Jahaweer ka taagan degmada Balcad kadib dagaal culus oo ka dhacay (Faahfaahin)

0

(Balcad) 19 Maarso 2019 – Wararka laga helayo degmada Balcad oo qiyaastiii 30KM  dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu xalay ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo ururka Al-Shabaab.

Dagaalkaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa sida la sheegay waxaa urur Al-Shabaab u suuragashay inay qabsadaan qaybo badan oo ka tirsan degmada iyagoona ku guuleystay inay xabsiga Magaalada ka sii daayaan Maxaabiis badan.

Xarunta degmada ayaa la sheegay sidoo kale in Shabaabku qabsadeen waxaana wararku sheegayaan in dagaalku uu sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac kala gaaray.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Hirshabelle ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarkaan kaga yimid Al-Shabaab oo degmada kasoo galay labo jiho.

xaalada degmada Balcad ayaa saakay waxaa ka jira jahawareer baahsan waxaana dadkii degmada ka carareen xalay fiidkii hore iyadoona la sheegayo in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay si iskood ah kaga baxeen degmada.

Ciidamada dowladda oo dib isu soo arruursaday ayaa la sheegaya inay ku sugan yihiin daafaha iyo qaybo ka mid ah degmada Balcad.

Majiro war ka soo baxay madaxda Maamulka Hirshabelle iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Hadalsame Media

Facebook Comments