JAC WAYN: Talyaaniga oo Sucudiga ku celiyay lacag deeq oo kale ah! + Sawirro

0

(Milano) 19 Maarso 2019 – Guriga La Scala opera ee Talyaaniga ayaa lacag ka badan €3 milyan oo euro (£2.5m; $3.4m) ku celinaya Sacuudiga Kaddib markii qorshaha maalgalineed ee boqortooyada Sucuudigu ay sababtay banaanbax dadwayne.

Heshiiskan oo dhalin lahaa inuu dalkaasi kursi ka helo Guddiga Fulinta ee aqalkan, ayaa eersaday baaritaanka dhanka xuquuqda aadanaha ah, jeer uu Sucuudigu ku sumcad beelay khaarajintii weriyihii Jamaal Khashuuqji oo bishii Oktoobar lagu dhex khaarajiyay Qunsuliyadda Sacuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul.

“Waxaannu si buuxda u go’aansannay inaanu iska soo celinno lacagta,” ayuu yiri MW guriga Opera House ee lagu garaaco muusigga qadiimiga ah, Giuseppe Sala, oo sidoo kale ah duqa magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Isagoo la hadlaya La Repubblica, ayuu Maareeyaha La Scala, Alexander Pereira, wuxuu xaqiijiyay in ay Sucuudiga la galeen heshiis taariikhi ah oo uu 5 sanadood min 3m oo euro ku maalgelinayo fanka aqalkaasi.

Sucuudiga ayaa waxaa lagu xirey Guddoonka gobolka Lombardia oo ah midka ay caasimadda u tahay Milano, Attilio Fontana, kaasoo xubin ka ah xisbiga cunsuriga ah ee Lega Nord oo uu hoggaamiyo RW Xigeenka Talyaaniga Matteo Salvini oo heshiiska u yara guuxey, waxaana tibxaha heshiiska ka xaajoodey Wasiirka Dhaqanka Talyaaniga Alberto Bonisoli iyo dhiggiisa Sucuudiga, Prince Badr bin Abdullah.

Lacagtan €3-da milyan ah ayaa hormaris ka ahayd €15m oo qayb ka ah qorshe iskaashi iyo wada shaqayneed oo shanta sano dhexmari lahaa Aqalkan iyo Wasaaradda Dhaqanka Sucuudiga, balse arrintan ayaa waxaa aad u cambaareeyay kooxaha xuquuqul insaanka iyo siyaasiyiin Talyaani ah.

Sucuudiga ayaa ku magac seegay dilkii Jamaal Khashuuqji oo la tuhunsan yahay inuu si toos ah u amray Mohammed bin Salman oo la sheegay inuu soo diray koox 15 nin ka koobnayd oo isla maalintii dilka kasoo degey garoonka Istanbul iyagoo kasoo duulay magaalada Riyaad, caasimadda Sucuudiga.

Ma aha markii ugu horreeysey ee dal ka mid ah Khaliijku uu weji gabax kala kulmo dal reer Galbeed ah oo ay lacag bilaash ah ula haanyoodeen, mana jirto wax muuqda oo Sucuudiga kasoo geli lahaa mashruucan.

Hadalsame Media