‘HAYE WALAAL!’: Labadii eray oo uu oday jamaacada soo dhowaynayay ku yiri ninkii weeraray masaajidda oo saamayn caalami ah yeeshay! + Sawirro

0

(Christchurch) 19 Maars0 2019 – Jeer ay taagan tahay murugada iyo mashaqada ka dhalatay xasuuqii masaajidda New Zealand, waxaa jira laba eray oo ku dhegtay qalbi kasta oo furan: “Hello brother.”

Daud Nabi, oo ahaa oday 71-jir ah oo Afghani ah, ayaa labadaa eray ku yiri ninka cunsuriga ah ee weerarka argagixiso ku qaaday dad Muslimiin ah oo iska cibaadaysanayay, iyadoo ay weerarkaa bahalnimada ah oo ka dhacay Christchurch ay ku dhinteen 50 qof.

Daud ayaa taagnaa albaabka masjidka al-Noor Mosque si uu jamaacada ugu soo dhoweeyo masjidka, waxaana muuqaalkii uu ninka weerarka ahaa toos uga soo duwayay Facebook laga arkayaa Nabi oo si diirran usoo dhoweeynaya dad qalkii Brenton Tarrant, isagoo leh “Haye Walaal,” waxaa se rasaas oodda uga qaadaya Tarrant oo aan wax dareen ah muujinin.

Yeelkeede, labadaa eray ee uu odaygu yiri markii uu dhimanayay ayaa yeeshay saamayn caalami ah, iyadoo ay baraha bulshada xulayaan tweet-yo ku baxaya luuqadaha English, Arabic, Pashto, Persian, Turkish iyo luuqado kale.

“Tarrant wuxuu doonayay inuu joojiyo #Islaamka, balse wuxuu soo saaray geesiyaal badan oo Muslim ah, isagoo muujiyay wejiga foosha xun ee #Islaam-nacaybka (Islamophobia),” ayuu u akhrismayay mid ka mid ah tweets-kii xulayay baraha bulshada.

“Waa erayadii ugu dambeeyay ee naf saafi ah oo uu ka buuxo iimaan xasilloon. #HelloBrother,” ayuu nin kale soo qoray.

Odaygan ayaa xilligii Soofiyeetka ka cararay dalka Afghanistan, isagoo New Zealand ku sugnaa 40 sano ka badan, isla markaana madax u ahaa jaalliyad yar oo Afghani ah.

Mid ka mid ah wiilashiisa, Omar Nabi, ayaa u sheegay BBC qaybta afka Bashtuunka ee Afghanistan inuu aabbihii ahaa nin aad u caawin jirey dadka gaar ahaan soo galootiga cusub.

MW Afghanstan Mohammad Ashraf Ghani ayaa soo tweeted gareeyay: “Maanta, waxaan u tacsiyeeyay qoyska Haji Mohammad Daud Nabi iyo Matiullah Safi. Waxay ku shahiideen weerarkii masaajidda Christchurch, New Zealand. Waxaan ugu yaboohay kaalmadeenna si kasta oo suuragal ah.”


Hadalsame Media