HALIS GUUD: Al Jazeera oo bannaanka soo dhigtay sirta ”heshiiska” Dekedda Berbera & Dahabshiil oo door laxaad leh ku yeelatay! (Daawo)

0

(Dooxa) 19 Maarso 2019 – ‘Dagaalka Dekadaha’ ee Geeska Afrika ka socda una dhaxeey dalalka Imaaraadka, Shiinaha, Turkiga iyo quwadaha waaweyn.

Hilinka Al Jazeera qaybtiisa Af Carbeedka ku hadla ayaa sameeyay barnaamijka ballaaran oo uu cinwaan uga dhigay ‘’Masaafadii Eberta – Dagaalkii Dekedaha’’ (Almasaafa Sifr) kaasoo uu kusoo qaatay min ismari waagii Jabuuti iyo DP World ee shirkaddaa looga cayriyay xeebaha Jabuuti, ilaa heshiiska daaha gadaashiisa ah ee uu Imaaraadku kula wareegey Dekadda Berbera oo musuq gudeed lagu marsiiyay danaha uu Imaaraadku gobolka ka leeyahay oo aan ka tarjumaynin midda Sooomaalida.

Aljazeera ayaa tusmaysay in heshiiskan lagu dhaxal wareejiyay Dekedda Berbera oo madaxa la gelayo qoyska Siilaanyo, sida xaaskiisa iyo nin uu sodog u yahay, iyadoo uu barnaamijku sheegayo in qaab marin habaabis ah Aqalka Wakiillada Somaliland loogu gudbiyay warqado af Soomaali ku qoran oo aan si saaxi ah uga tarjumaynin tibxaha heshiiska rasmiga ah eel ala galay DP World.

Barnaamijka ayaa lagu sheegay in shirkadda Dahabshiil oo ka mid ah xawaaladaha waawayn ee Geeska Afrika ay si cad ugu lug lahayd heshiiska Imaaraadka loogu gacan geliyay Dekadda Berbera, iyadoo si toos ah faraha ula gashay arrimo siyaasadeed, aadna ugu ololaysay heshiiskaasi, waxaana barnaamijka lagu sheegay inay arrintaa sabab u tahay mas’uul ka tirsan shirkaddan oo wasiir ka ahaa dowladdii Siilaanyo iyo shirkadda oo xarunta ugu wayn ku leh Imaaraadka.

Barnaamijkan oo ay diyaarisay Salaam Hindaawi, ayaa sheegtay in xubin ka tirsan shaqaalaha Dahabshiil xitaa lagu xirey Guantanamo iyadoo loo haysto maalgelin argagixiso, taasoo dhalisay in Dahabshiil ay sharikad la yiraahdo Bell Pottinger, oo markii dambe baaba’day, u ijaarato inay matoorka ugu wayn wax raadinta internet-ka ee Google Search ka saarto warbixinnada isku xiraya shirkaddaasi iyo xabsiga Guantanamo Bay. Al Jazeera ayaa sheegtay in Dahabshiil ay ka gaabsatay inay ka jawaabto su’aalo arrimahan ku saabsan oo ay u direen.

DOORKA DF SOOMAALIYA

DF Soomaaliya ayaa si cad uga hor timid heshiiskan mugdiga ah, iyadoo ay Aljazeera TV baaritaanka ku xustay in MW Soomaaliya Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu 3 jeer oo is xigta waydiistey dhaxal-sugaha Imaaraadka in la tuso heshiiska ay DP World kula wareegtey Dekedda Berbera oo saami laga siiyay dal kale, balse ay Imaaraadku si cad codsigaa uga diideen.

Barnaamijka Al Jazeera ayaa soo qufaya sirta ka dambaysa heshiiskan oo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa woqooyi looga dhigay heshiis caadi ah oo nidaam maray, balse qaab indha sarcaadis ah ay dhowr qofi go’aan uga gaareen hanta qaran oo ma guurto ah, oo ay adag tahay sida berry lagu soo celiyo, iyadoo ay waadax tahay ujeedada Imaaraadka oo ah in Somalia oo ah bugco istaraatiji ah aysan kasoo bixin dekedo kale oo la tartama dekeddeeda ama suuq xor ah oo u dhigma midka Dubai oo ku taalla luuqa Gacanka Carabta oo ay Somalia aad uga cad cadahay istaraatiji ahaan.

Wasiir Dibadeedka Soomaaliya, Md Axmed Ciise Cawad oo barnaamijkan baaritaanka ah u warramaya ayaa tibaaxay in DF Soomaaliya ay mar kastaba sharci darro u aragto heshiiska ay DP World kula wareegtay Dekadda Berbera, isla markaana ay tahay ku xadgudub ka dhan qaranimada Soomaaliya, wuxuu kaloo sheegay in uu Sucuudigu u sheegay inuu dhexdhexaadinayo labada dale e Soomaaliya iyo Imaaraadka, balse aanu wax tillaabo ah weli qaadin, isagoo u muuqda mid u hoosaasinaya Imaaraadka.

Barnaamijkan ayaa muujinaya halista ay Somalia u gaysan karaan sharikaadka soo baxay xilliyadii foowdada oo aan lahayn sharci qabta, iyagoo ka faa’iidaysanaya maqnaanshaha nidaam dhexena halis aan laga soo kabsan gelin kara danaha guud ee dadka Soomaaliyeed, si ay u xasiliyaan dano yar oo ay iyagu leeyihiin, oo aan lafteedu dhib la’aan u hirgeli karin, maadaama aysan jirin dowlad iyaga laftooda ilaalinaysa haddii ay wax khaldamaan.

Hadalsame Media