CEEB: CNN oo adeegsanaya niman Soomaali ah oo weerar WIRIF ah ku qaaday Ilhaan Cumar + Muuqaal & Sawirro

0

(Minneapolis, MIN) 19 Maarso 2019 – Hulinka Maraykanka ah ee CNN ayaa hoos u quusay isagoo dad Soomaali ah u adeegsadey olole ka dhan ah Ilhaan Cumar oo ay ku tirayaan inay ‘’Saamiga neceb tahay’’ sida ay yiraahdeen.

Waxay waraysi iidheh oo kale ah ka qaadeen laba nin oo Soomaali ah oo lakala yiraahdo Maxamed Axmed iyo Cumar Jamaal.

Jamal ayaa sheegay in ay aad ugu farxeen oo ay xiise badan u muujiyeen inay Ilhaan noqoto gabadhii ugu horeeeysey ee Soomaali ah ee gasha Aqalka Wakiillada Koongarayska, balse ay “aad u niyad jebisey” wixii intaa ka dambeeyay.

“(Marka lagu doorto,) waa inaad dadka isu keentaa, waa inaad abuurtaa dareen midnimo ee ma aha inaad qaybiso oo iska hor,” ayuu yiri Jamaal oo ku tiigsanaya Ilhaan oo uu ku tilmaamay inay ‘’Saamiga neceb tahay’’, sidaa oo uu weriyuhu u laqimay.

Ahmed oo isna nin kale oo Soomaali ah oo uu CNN-ku waraystay ayaa tillaabo dheeri ah qaaday, isagoo iska dhigay nin u doodaya Yuhuudda, jeer aanu wax wayn kasoo qaadin silica Falastiin, isagoo sidoo kale dafiray in Ilhaan aanay Yuhuud wax ka sheegin balse ay Israel, oo aan Yuhuud oo dhan metelin, dhaliishay.

“Waxaan u hadlayaa sida saaxiib Yuhuudeed, iyo Falastiin oo aan isku diin nahay,” ayuu ku af gobaadsaday. “Waxaan rumaysan nahay xuquuqda iyo xornimada Falastiin, balse ma aha inaan taa ku samayno annaga oo sharaf rideeyna bulshadeenna Yuhuudda ah.” Ayuu ku dooday.

Kaaga darane, Axmed and Jamaal ayaa sheegay in waxa ay sheegeen aysan la qabin jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka oo ay sheegeen inay wax u arkin sida ay iyaga u arkaan, taasoo waloow loo qaadan karo hadal caadi ah, misna laftiisu ah far ku fiiqid iyo dhinaceeyn ka dhan ah Soomaalida jeer la adeegsanayo TV caalami ah, taasoo sawir khaldan ka bixinaysa Soomaalida lafteeda marka lagu soo eego indhaha dadka dalkaa u badan.

“Waxaan leennahay arrimo deg deg ah oo ay tahay in laga hadlo. Waxaan jira walaacyo dalkan ka jira waqti xaadirkan,” ayuu yiri Jamaal.

Tan ugu daran ee muujinaysa daacad darrada CNN isla markaana caddaynaysa inuu olole ku hayo Ilhaan Cumar waa inuu sheekadan oo uu 4 qof ku waraystay ka dhigay ‘’walaac ay Muslimiinta iyo Yuhuuddu ka qabaan Ilhaan Cumar’’, jeer labada qof ee uu Muslim ku sheegay ay afkooda uga sheegeen inaysan Soomaalida metelin, iskaba daa Muslim kale e.

Waxaa la yaab lahayd in gabar caddaan ah oo la yiraahdo Andrea Halverson, ay Ilhaan ka difaacaysay xagxagashada labada nin ee Soomaalida ah, oo aan weliba wax gar ah ku haysan.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media