Xag-jir xikmad malaha xag kastaba ha joogee! (Arag is-dardarka doodda ninkii masaajidda weeraray)

0

(Christchurch) 18 Maarso 2019 – Argaggixiyaha dadka ku xasuuqay maanta masaajidda Christchurch, mar uu iska dhigayey nin macquul ah, ayuu bayaankii uu qoray isku weyddiiyey in uu muslimiinta neceb yahay.

Waxa uu ku jawaabey in uusan nebcayn haddii ay dalalkooda joogaan. Waxa uu rabey in uu dadka u tuso in uu gar u arko in qolo walba dalkooda ay joogaan oo aan loogu imaan.

Ha ahaatee mar kale ayuu Nelson Mandela ku sheegay argaggixiye. Halkaas waxaa ku burey sheegashadiisii ahayd in uu yahay xaqyaqaan. Maxaa yeelay Mandela oo la halgamayey dad shisheeye ah oo dalkiisa qabsaday argaggixiye ku ma sheegeen ee gar buu u siin lahaa in uu halgamey.

Taas ka sokow isagu Australia ayuu u dhashay waxa aynnuna og nahay in caddaanku dad madow si xoog ah u dul degeen una shiiqiyeen, sidaas oo kale waddankaan uu falka argaggixisada ah ka geystey waa mid ay caddaanku xoog ku qabsadeen kuna shiiqiyeen dadkii lahaa oo ab’ogaaga ahaa. Marka ay dadku kibirsan yihiin gartooda iyo gardarradoodaba waxa ay u arkaan gar.

Asalka nacaybkiisu waxa uu ku qotomaa welwel ay xagjirka caddaanku ama badankooduba qabaan oo ah in dalka laga la wareegi doono, maadaama xawliga tarantoodu aad uga gaabiso tan dadka shisheeyaha aan caddaanka ahayn ah oo soo dega dalalkooda. Arrinta welwelka in dalka la iska qaado waa mid aadanaha ku baahsan oo waxa aad ku garan kartaa sida badankeennu ay uga hadlaan Orommada dalkeenna timaadda. Taas iskaba daa ee haddii reer ay tuulo deggan yihiin oo reer kale la soo dego, waxaa ku dhasha welwel ah in tuulada laga qaadayo. Laakiin, ninkaani welwel gaar ah ayuu ka qabey muslimiinta. Mar uu bayaankiisa isku weyddiiyey sababta, ajnebi badane, uu u xushay muslimiinta waxa uu sheegay in ay ahayd laba sababood:
1- In ay yihiin qolada loogu neceb yahay dadyawga, sidaas darteedna taageerada ugu badan uu ku helayo layntooda. Iyo
2- In ay muslinku yihiin qolada keliya oo mabda’ ahaan uu ku jiro hammiga la wareegidda dalalka ama dunida oo dhan.

Waxa kale oo la yaab lahayd mar uu bayaankiisa isku weyddiyey, sababta uu falkiisa ugu doortay dalka New Zealand oo meel gees ah ku yaalla. Waxa uu sheegay in uu u doortay in uu caddaanka tuso in dalalkoodii la la wareegayo oo aan meel fiyoobi jirin oo xataa New Zealand oo jasiirad cidla ku taal ahi aysan ka badbaadin ajnebiga raba in ay caddaanka dalkooda ka qaadaan.

Waxa kale oo iyana jirta in nacaybkiisu uu diin salka ku hayey oo taariikhaha uu qorigiisa ku xardhay ay wada ahaayeen, dhacdooyin dhex maray muslimiin iyo masiixiyiin.

Argaggixiye waa argaggixiye. Ma jirto sabab uu ku gar leeyahay oo oggolaaneysa in uu dad u laayo; midab. diin, sinji ama wax kale oo ay isaga kaga duwan yihiin.

Argaggixiye jaaha waa ka nacladan yahay, jeegadana waa ka nacladan yahay. Hadduu xaggaaga ka diran yahay iyo hadduu xaggaaga ku diran yahay, labadaba.

Waxaa Qoray: Maxamed Aadan Ciiraale

Hadalsame Media