Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka Utrecht + Sawirro (Qorilihii oo aan weli la qaban)

0

(Utrecht) 18 Maarso 2019 (Reuters) – Dhowr qof ayaa la sheegay in la toogtey, midkoodna uu daran yahay, kaddib markii weerar lagu sheegay ”mid laga leeyahay ujeeddo argagixiso” lagu qaaday  tareennada magaalada Utrecht, Holland.

Booliiska ayaa sheegay inuu weli baxsad yahay nin la sheegay inuu halkaa weeraray isagoo qaylinaya, waxaana heerka heeganka amaan ee gobolka Utrecht haatan la gaarsiiyay halka ugu sarreeysa.

Iskuullada iyo jaamacadaha ayaa lagu amray in albaabada la iskugu dhufto, iyadoo la kordhiyay amaanka xarumaha dowladda ee muhimka ah sida garoomada. Waxaa sidoo kale ilaalo la dhigay masaajidda.

“Dhowr xabbo ayaa lagu ridey tareen dhowr qofina waa dhaawacmeen. Waxaa markiiba goobta yimid booliiska, balse cidna lama qaban weli,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Joost Lanshage oo aan xog badan bixin karin haatan.

TV-ga maxalliga ah ee RTV Utrecht ayaa dad goob joog ihi u sheegeen inay arkayeen haweenay dhulka taalla iyo dad kala ordaya. Waxaa la xirey saldhigga tareennada 24-ka Oktoobar Utrecht Plein.

RW Mark Rutte ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay shilkan isagoo ku baaqay kulan deg deg ah oo xasaradda xal loogu raadiyo.

Shilkan ayaa imanaya maalmo yar uun kaddib midkii 50 Muslimiin ah lagu diley ee ka dhacay Christchurch, New Zealand, Jimcihii hore.

Utrecht, oo ah magaalada 4-aad ee ugu ballaaran Netherlands, waa magaalo qurux badan oo lagu yaqaanno kanaallada ku dhex yaalla iyo arday fara badan oo halkaa wax ka barata, mana aha meel ay ku badan yihiin rabshadaha qoryaha la xiriira, sida guud ahaanba Holland.

Hadalsame Media

Facebook Comments