WAR CUSUB: Booliiska oo soo bandhigay sawirka & haybta nin lagu tuhunsan yahay weerarka Utrecht (Tirada waxyeellada oo korortay)

0

(Utrecht) 18 Maarso 2019 – Waxaa soo baxay warar dheeraad ah oo ku saabsan weerarka tareen ee ka dhacay magaalada reer Dutch ee Utrecht, sida uu sheegay duqa magaaladaasi.

3 qofood ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, halka ay 9 kale dhaawacmeen, weerar ay booliisku ku sheegeen mid argagixiso.

Booliiska ayaa sidoo kale calaameeyay 37-jir Turkish ah oo la yiraahdo Gokmen Tanis oo ah la tuhunsanaha weerarka gaystay, kaasoo dadka looga digey inay u dhowaadaan, waxaana la xirey dugsiyada.

“Meesha kama saari karno ujeeddo argagixiso,” ayuu saxaafadda u sheegay Pieter-Jaap Aalbersberg oo ah xiriiriyaha la dagaallanka argagixisada.

Jaap ayaa sidoo kale sheegay in ay toogashooyin ka dheceen “dhowr meelood” balse ma aanu qeexin meelahaasi.

Hadalsame Media