GATTUSO vs SPALLETTI 0-3: Macallinka Inter Milan oo xalay cashar gaar ah u dhigay Gattuso

0

(Milano) 18 Maarso 2019 – Jeer ay diyaar ahayd janaasadii duugta ee fasal-ciyaareedka kooxda Inter iyo macallinkeeda oo xitaa lasii diyaariyay taariikhdii qabriga lagu qori lahaa (18 Maarso 2019), ayaa waxaa dhacday arrin lama filaan noqotay.

Waxaa ruwaayaddaa Filanwaa laxanka, miraha iyo muusiggaba saaray macallinka Nerazzurri ee Luciano Spalletti oo ciyaartii xalay ku muujiyay inuu dhan walba uga fiicnaa dhiggiisa Gattuso, oo ciyaarta si khaldan u wajahey markii dambena rajadeeda kusii feegaaray.

Spalletti oo ay kooxdiisu Khamiistii guuldarro qaraar kala kulantay kooxda Eintracht Frankfurt iyadoo ah koox daallan oo aan la daawan karin, ayaa waxaa cilladdaa muddo 72 saacadood ah ku xalliyay isla macallinka madaxa xiiran ee kooxdaasi.

Wuxuu lasoo shir tegey Inter ka caabboon (tiiyoo ay Khamiis nasatay Milan), ka firfircoon, kana baahi iyo dadaal badan kooxda Milan.

Sida uu qirtay isla Spalletti ciyaarta kaddib, waxaas oo dhami waxay ku dheceen inuu maskaxda laacibiinta ku shubay muhiimadda ay ciyaartani leedahay natiijo ahaan iyo niyad ahaanba, marka laga soo tago qaabka uu taatiko ahaan usoo diyaariyay ciyaarta, isagoo tusaale ahaan, Vecino oo goolka 1-aad dhaliyay ka dhigay kubad qaabeeye.

Gattuso, dhiniciisa kama muuqanin wax ku saabsan ciyaar diyaarsan, waxayna kooxdiisu kulankaa u wajahdey si gebi ahaanba khaldan, sidii dhacday kulankii hore.

Gattuso ayaa ciyaarta ku hayay laacibiin daallan oo uusan bedelin si kasta oo ay bandhig xumaadaan sida Suso, taasoo meesha ka saartay in meerito lagu dheelo (meritocracy), halka ay ciyaaryahanno badan ka dheelaan boosas aysan ku qaab samayn sida Lucas Paqueta oo ah laacib kubadda dhisi kara, balse haatan dhexda raace ka ah. Calha ayaa isna saaran baal uusan aqoonin.

Yeelkeede, wuxuu markii intaa laga soo tago kaga sii daray beddelkii ciyaarta, wuxuuna xitaa mar daafaca dadabka midig saaray Franck Kessie, iyadoo Milan dhexda laga haysto baahi u gaynaysaana aysan jirin.

Dad badan baa sugayay inuu Conti saari doono baalka Suso, kaddibna uu wada keeni doono Biglia iyo Casti oo wada socda iwm.

Marka la eego safka iyo shaxda la saadaalin karo ee Gattuso uu ciyaar kasta kusoo galo, waxaa misna lagu xantaa inuu madax adag adag yahay.

”Waxaan kula taliyey inuu Paqueta ka dheel siiyo lambarka 10-aad, laakiin taa igama dhegeysan” ayuu yiri saaxiibkii Massimo Ambrossini.

Si kastaba, waloow ay Inter gaartey ciyaar ay u dagaallantay una qalantey guusha, misna ciyaartii xalay waxaa ku dhex jirtey ciyaar kale oo ku dhamaatay forfeit 3-0 ah oo Milan looga badiyay, marka laga macallimiinta wax laga qiimeeyo.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media