Dowladda Iiraan oo u yeeratay Safiirkeedii dalka Kenya! Xiriirka labada dal oo halis ku jira

0

(Tehraan) 18 Maarso 2019 – Go’aanka dowladda Iiraan ayaa salka ku haya dacwo ka socota Maxkamad ku taala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo labo muwaadiniin oo Iiraan u dhashay ay ku wajahayaan Maxkamad.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Iiraan Bahram Qassemi ayaa sheegay in dowladdiisu u yeeratay safiirkeedii ka fadhiyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Iiraan ayaa sidoo kale waxay cabasho rasmi ah u gudbisay safiirka Kenya u fadhiya Magaalada Tahraan ee caasimadda Iiraan sababo la xiriira Kiiska dacwada ka dhanka ah muwaadiniinta Iiraan u dashay oo kala ah Axmed Abdulfataxi iyo Sayid Mansuur Moosafi.

Labadaan nin ayaa muddo ku dhow labo sanno waxaa dacwadoodu ka socotaa Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya halkaas oo markii la qabtay lagu eedeeyay inay maleegayeen qirshoolo halis ku ah amniga Kenya sida la sheegay.

Yuhuuda oo safaarad weyn ku leh Magaalada Nairobi ayaa la aamisan yahay inay wax badan ka ogtahay falka lagu xiray muwaadiniinta Iiraan u dhashay waxaana aad u wanaagsan xiriirka ka dhaxeeya Kenya iyo Is’raa’iil.

Hadalsame Media