”Dhibkaba adigaa dhigay!” – RW Australia oo lacag ku bixinaya amaanka goobaha cibaadada dalkaasi & munaafaqnimo lagu eedeeyay! (Arag jawaabaha)

0
(Melbourne) 18 Maarso 2019 – RW Australia ee Scott Morrison ayaa munaafaqnimo lagu eedeeyay kaddib markii uu sheegay in ay $55 milyan oo doollar ku kharaj garaynayaan sugitaanka amaanka goobaha lagu cibaadaysto kaddib weerarkii argagixiso ee Jimcihii ka dhacay New Zealand.

Lacagtan ayaa la siin doonaa masaajidda, kanaa’ista, macbadyada iyo dugsiyada diimaha lagu barto, si buu yiri “ay dadku nabad uu cibaadaystaan,” jeer uu Morrison shalay ka hadlayay Rugta Ganacsiga ee Australia-Israel oo uu kula kulmay Melbourne.

Lacagtan ayaa loogu tala galay in lagu bixiyo tillaabooyin sare u qaadaya amaanka, sida kaamirooyina CCTV, nalaynta, dhismaha gidaarro maansaysan iyo dawanno amaan (alarms).

Yeelkeede, shacabka ayaa RW munaafaqad ku eedeeyay iyagoo u kala qaybsan laba garan; qolo ninkan ku eedeeynaya inuu isagu qayb ka yahay siyaasiyiinta sababta u ah in Muslimiinta iyo dadka soo galootiga ah la shaydaameeyo oo dad xun ahaan loo sawiro, taasoo dhiirri gelisey kooxaha xag-jirka ah sida ninkii weerarka gaystey iyo kuwo kale oo diiddan in lacag intaa la eg lagu bixiyo amaanka goobaha lagu cibaadaysto. Hoos ka eeg…


Hadalsame Media