DAAWO: Wefdiga Eritrea oo ka hadlay sababta ay Hargaysa u TAGEEN (Dhegeyso)

0

(Hargaysa) 18 Maarso 2019 – Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Eritrea Cusmaan Saalax oo uu la socdo La-taliyaha Madaxweynaha waddankaasi ayaa maanta booqahso ku tagay magaalada Hargaysa ee  maamulka Somaliland.

Wefdigan ayaa la kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana kulankaasi oo ay saxaafaddu dibed joog ka ahayd markii dambe wixii uu ku saabsanaa ka hadlay Wasiir Dibadeed Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo sheegay in laga wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Somaliland iyo Eritrea, sida uu yiri.

Wasiir Dibadeedka Eritrea, Saalax oo si taxaddar leh uga hadlaya booqashada ay ku tageen Hargaysa ayaa sheegay inay halkaa u tageen inay xaaladda indha indheeyaan, wuxuuna tilmaamay inay arrintani qayb ka tahay isfurfurka siyaasadeed ee Geeska Afrika.

”Waxaa nasoo diray MW Eritrea, wixii aannu halkan kala kulannana isaga ayaan kula noqon doonnaa.” ayuu yiri Saalax.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jiri doonaan kulamo kale oo ay ku iman doonaan halkaasi, ama ay dhici karto in ay dalkooda ku tagaan wefdi Somaliland ah, mase cadda moowqifka ay Eritrea ka taagan tahay midnimada Somalia, maadaama ay la macaamilayaan dal sharci ahaan weli ka tirsan Somalia oo ay iyadana xiriir diblomaasi la samaysteen markii ugu horreeysey taariikhda.

Hoos ka dhegeyso.

Hadalsame Media