SAWIRRO: Kessié iyo Biglia oo lakala jiidey! (Maxay isku maageen?)

0

(Milano) 17 Maarso 2019 – Waxaa kaydka erayo kulul isku dhaafsaday labada laacib ee khadka dhexe ee Franck Kessié iyo Lucas Biglia intii ay socotey ciyaartii Derby Milano oo ay 2-3 ku badisay kooxda Inter.

Sida uu sheegay hilinka Sky Sport, waxay dooddu ka dhalatay kaddib markii uu bedelka ka xanaaqey laacibkii hore ee Atalanta oo lagu bedeley Cutrone.

Deetana waxaa inuu la taliyo isku dayay laacibka reer Argentine ee Biglia oo u sheegay inuu xushmad u muujiyo Cutrone oo lagu bedeley.

Halkaa markii ay mareeyso ayay ka dheer dheeraatay, waxaa se kala dhex galay laacibiinta kooxda Milan. Arrimahan oo kale ayaan u fiicnayn qolka lebbiska Milan.

Hadalsame Media