SAWIRRO: Garoonka San Siro oo caawa muuqaal gaar ah yeelanaya!

0

(Milano) 17 Maarso 2019 – Magaalada Milano ayaa doonaysa inay soo ceshato qiyamkeeda ah caasimadda kubadda cagta, waxaana ciyaartan laga daawan doonaa 200 dal, waxaa kasoo qaybgeli doona in ka badan 600 oo saxaafadda ku hoowllan, kuwaasoo ay 260 ka mid ihi weriyeyaal yihiin, 60 sawir qaade iyo ilaa 300 oo ka shaqeeya wax soo saarka TV-yada ayaa ka mid ah.

Waxaa ciyaartan tebinteeda kaliya ku qaysanaan doona 25 kaamiro oo ah nooca casriga ah ee isha macaan ee ku shaqeeya hannaanka 4K resolution oo ku siinaya muuqaal fasiix ah oo joog iyo jiifba leh.

Garoonka San Siro oo marti loogu yahay kooxda AC Milan oo caawa taageerayaasha iyadu leh marka laga reebo wax ka yar 5,000 ayaa waxay garoonka ku casayn doontaa nalal lagu xirayo dhinacyada garoonka, kaasoo ah olole is xayaysiin ah oo loogu magac daray ‘Join the flame’, waxaana ka daarmaya 170 nooc oo dhudo ifaya ah, kuwaasoo isu gayn ahaan soo saaraya wax u eg dambaaburo dab ah oo holcaya, halka rapper-ka Ghali oo ah taageere Milan, uu garoonka ka qaadi doono hees cusub oo hal ku dheggeedu yahay ”i love you’, ciyaarta kahor.

Kulankan oo ka tirsan Serie A ee caawa kulminaya kooxaha AC Milan iyo Inter Milan, wuxuuna horyaalka Talyaaniga ka noqday rikoodh cusub oo dhanka dakhliga ah, iyadoo ay garoonka oo qura kasoo xaroonayso €5.7m, taasoo ka badan rikoodhkii hore ee Serie A oo ahaa €5.29m, taasoo ahayd ciyaar isla San Siro ku dhexmartay Inter-Juve, bishii Abriil 2018.

Hadalsame Media