”Imoow arooskayga” – Özil oo Erdoğan u dhiibey warqad casuumad ah

0

(Istanbul) 17 Maarso 2019 – Laacibka reer Jarman ee asal Turkish-ka ah ee Mesut Özil ayaa la kulmay MW Recep Tayyip Erdoğan oo ay isku arkeen gegada Atatürk Airport ee Istanbul.

Intii kulanku socdey, Özil, oo ay la socotey gabadha u doonan ee Amine Gülşe, waxay Erdoğan farta ka saareen warqadda casuumadda arooskooda oo dhowaan dhacaya.

Özil iyo Gülşe, oo iyadu ah atirisho iyo gabar dharka xayaysiisa oo Turkish ah, ayaa is doontay bishii Jannaayo ee bilowgii sanadkan.

Laacibka khadka dhexe ee Arsenal ayaa kulan uu horay ula yeeshay Erdoğan kala kulmay cambaarayn cunsuriyad xambaarsan oo isaga lagu qaaday, jeer uu u diyaar garoobayay KA2018.

Taasi waxaa raacday in Jarmalku ku hungoobo KA2018, kaddibna si gaar ah eedda loo saaro Özil, kaasoo markiisa kaga jawaabey inuu gebi ahaanba ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah.

 

Hadalsame Media