DHACDO QAMUUNYO LEH! Qarreen wiilkiisa ku khaarajiyay magaalada Nairobi

0

(Nairobi) 17 Maarso 2019 – Qoys ayaa qaaquullo iyo khasaaro nafeed la tacaalaya kaddib markii uu qarreen sare wiilkiisa ku kharaajiyay magaalada Nairobo, xilli ay gaarigooda ku jireen.

Mr Assa Nyakundi ayaa ku andacoodey in wiilkiisa oo 29-jir ahaa lana oran jirey Joseph ay xabadi uga fakatay, taasoo xabadka ka haleeshay.

Labada nin ayaa yimid meel u dhow gurigooda Muthaiga saacaddu markii ay ahayd 1-dii duhurnimo, goortaasoo uu Mr Nyakundi doonayay inuu bedelo halka ay bastoolad uu watey gaariga ka taalley.

Waxay ka yimaadeen ICC Church oo ku taalla jidka Mombasa Road waxayna markaa u socdeen gurigooda oo ku yaalla Muthaiga.

Nyakundi wuxuu shati u haystaa bastoolad nooceedu yahay Glock oo 15 qaad ah oo ah midda uu goortaa watey, wuxuuna leeyahay hay’ad sharciyada ka shaqaysa oo la yiraahdo Nyakundi and Company Advocates oo ka howl gasha Nairobi.

Dadka uu metelo waxaa ka mid ah garsooraha Nyeri Magistrate Pauline Chesang oo ku eedaysan inay khaarajisey ninkeedii oo sina qarreen ahaa, jaalle Robert Chesang.

Nyakundi ayaa wiilka ula orday isbitaalka Aga Khan Hospital halkaasoo imaanshihiiba loo sheegay inuu xijaabtey, wuxuuna deeto aadey saldhigga Muthaiga Police halkaasoo uu booliiska ku wargeliyay shilka dhacay, isagoo ku wareejiyay bastooladdii iyo 14 xabadood oo ku haray.

Hadalsame Media