”Madaxa ayuu rasaas uga furay iyadoo leh ”fadlan i caawi”, ”Waxaan kaloo arkay gabar 3-jir ah oo dhabarka laga toogtey!”

0
Police escort witnesses away from a mosque in central Christchurch, New Zealand, Friday, March 15, 2019. Multiple people were killed in mass shootings at two mosques full of people attending Friday prayers, as New Zealand police warned people to stay indoors as they tried to determine if more than one gunman was involved. (AP Photo/Mark Baker)

(Christchurch) 15 Maarso 2019 – Waxaa saaka dalka New Zealand ka dhacay weerar bahalnimo ah oo lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch, iyadoo ay geerigu iminka 50 ku dhowdahay inta la xaqiijiyay.

Mid ka mid ah dadkii goobta kusoo baxay ayaa CNN u sheegay in uu dhinac marayay jidka masjidyada la weeraray midkood, balse uu ku leexday si uu dadka u caawiyo markii uu arkay dad dhulka daadsan.

Wuxuu sheegay inuu arkay nin la jooga gabar yar oo uu dhalay oo “3 ama 4-jir ah” oo dhabarka laga toogtey.

“Wuxuu ku qaylinayay in isbitaalka la geeyo, balse dhoollidu ma iman karin ilaa meesha amaankeeda la xaqiijiyo, sidaa darteed aniga ayaa qaaday isaga iyo gabadhiisa yar, iyo nin kale oo lugta ka dhaawacan,” ayuu yiri goob jooggan oo aan magaciisa sheegin.

Qof kale oo goobjoog ah ayaa sheegay inuu arkayay ninka dadka laynayay oo khasnadaha bedelanaya isagoo rasaasta u sayrinaya jiho kasta.

Mar bay dhacday inuu soo dul istaagey haweenay dhaawac ah oo ku qaylinaysa ”fadlan i caawi!”, deetana inta kor tegey ayuu madaxa baas uga furay.

Ninka dadka ugu badan laayay ayaa la sheegay inuu muusig iska dhegeysanayay, isagoo ka galaa baxayay gaarigiisa oo uu usoo noqonayay markii ay rasaastu ka dhamaato si uu markale u cabbaysto qoriga.

Hadalsame Media

Facebook Comments