JABKII SHIISHADDA: Waa sheeko DHAB ah oo dhug u baahan! (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 15 Maarso 2019 – Dugsiiye markii uu maqaayaddii tagay waxa uu dalbaday xabad shisha ah, koob bun ah( kafee) iyo dhalo biyo macaan ah, dhammaan marka la isku daro waxa uu dalbaday waxay noqonaysaa lacag dhan $30 doolar.

Intii wiilkii Afgaaniga ahaa shiishada soo samaynayay waxa ay noqotay 10 daqiiqo+10 daqiiqo oo Dugsiiye maqaaxida u soo socday. Sidaaa ayaa 20 daqiiqo u baxday, waxaa u hartay 40 daqiiqo oo 10 daqiiqo oo sii socod ah laga jaray=30 daqiiqadood.

Markii shiishada la soo dhinac dhigay ayuu dhawr jeer jiiday waxa uu se dareemay in wax ka khaldan yihiin oo ay dhaladu cabbursan tahay.

Waxa uu u wacay wiilkii meesha ka shaqaynayay asaga oo xanaaqsan oo qaylinaya. Calaa iyo xaal intii wiilku dhaladii sii waday oo soo waday waxa ay isku noqotay 7 daqiiqadood sidaas na waxaa Dugsiiye ugu hartay 23 daqiiqo oo qur ah.

Dugsiiye si boobsiis ah ayuu bahashii u nuugay sanka iyo afkana qiiq cad ka sii daayay. Asaga oo aysan wali gaarin meelihii ay gaari jirtay ee xaraarada, ayaa waqtigii la dhammaaday.

Asaga ay tubbadii afka ugu jirto oo wali nuugaya ayuu istaagay, waxa uu rabaa in uu sii dhalaaliyo ilaa ilbiriqsiga ugu dambeeya. Waxa uu ka xanaaqsan maqaayaddaan caajiska badan ee 17 daqiiqo hal dhalo oo shiisho ah samaynaysay.

Inta uu is hilmaamay ayuu dhaqaaqay asaga oo tubbadii afka ugu jirto, markaas baa dhaladii barbar u dhacday oo burburtay dhimbilihii ka faniinayna dad halkaas shiisho ku dhuuqaya kala didiyeen. Wiilkii Afgaani ahaa ee maqaayadda lahaa markii uu arkay dhalada jabtay ayuu soo orday asaga oo xanaaqsan oo leh “Dugsiiye what have you done, OMG? This bottle is so expensive I just bought yesterday, it cost me $160.”

Dugsiiye oo ka welwelaya in uu shaqada ka daaho ayaa ku yiri “Don’t worry bro, I will pay whatever it cost you, I will see you tonight.” Dugsiiye oo degdegaya ayaa gaarigiisi galay oo xoog ku dhaqaaqay.

Maqaaxida iyo dhibooga waxaa u dhexeeya waddo tareen iyo isgoys labo jid oo waaweyni isku gooyaan aadna mashquul u ah. Ugu horraynba tareenkii ayaa Dugsiiye ku dhegganaa muddo 4 daqiiqo ah, markii tareenkii uu dhaafayna waxaa gaduud ku noqday nalki isgoyska ku xirnaa, asaguna 4 daqiiqo oo kale ayuu ku dhegganaa. Dugsiiye oo labo daqiiqo u hartay ayaa nalkii oo cagaar ah “Green” u noqday markaas ayuu si waalli ah ku dhaqaaqay.

Waddadu waa 60kmp laakiin Dugsiiye wax 15 sekan ka yar ayuu 78kmp ku gaaray, isla markiiba waa kuwaan Boliis aan la aqoon meel ay ku dhuumanayeen Dugsiiye nalalka iyo dawan dhiileedka(Seran) ka daba shitay. Dugsiiye si deg deg ah ayuu waddada dhineceeda u istaagay.

Sarkaal Boliis ah ayaa soo degay u na sheegay in sababta loo joojiyay tahay in uu xawaare aad ah ku socday (speeding). Dugsiiye ayaa sarkaalkii u sheegay in uu shaqo ka daahsan yahay kana codsaday in uu deg deg u fasoxo. Sarkaal waxa uu Dugsiiye ka codsaday in uu Laysinkiisa u dhiibo, Dugsiiyana laysinkii ayuu sarkaalkii u dhiibay asaga oo leh “please officer I am already late for work, I don’t want to loose my job.”

Intii sarkaalka Boliiska ahi laysinka Dugsiiye ku soo baarayay kombiyuuterka gaariga u saaran, Dugsiiye aad ayuu u welwelay oo wadnihiisi u ruxmayay, waxa uu ka welwelayaa in shaqada laga eryo waayo dhawr goor oo hore ayuu shaqada ka daahay oo digniino la siiyay tii ugu dambaysay waxa ay ahayd dhawr asbuuc ka hor markii hurdo la tagtay oo uu hal saac shaqada ka daahay, kadib markii uu habeenkii oo dhan shiisho dhuuqid u fadhiyay.

Waxa kale oo uu ka walaacsan yahay in dhibcaha laysinku ka dhammaadaan oo sidaas shaqada ku waayo. Dhibcaha laysinku waa 12 dhibcood horay waxaa Dugsiiye looga qaaday 5 dhibcood galabtana ugu yaraan waxaa laga la kacayaa 4 dhibcood sidaas darteed waxaa u haraya 3 dhibcood oo qur ah. Taasina waxa ay khatar galin kartaa shaqadiisa waliba waxa ay sababi kartaa in shaqadu anshax marin ku samayso marka ay ogaadaan in dhawr goor “speeding) lagu ganaaxay.

Sarkaalkii Boliiska ahaa waxa uu Dugsiiye u jaray $200 iyo 4 dhibcood oo ganaax ah. Dugsiiye waraaqdii ma ba uusan fiirin ee jeebka ayuu inta gashaday deg deg u dhaqaaqay.

Dugsiiye habeenkii markii uu shaqadii dhammeeyay ayuu fiiriyay waraaqdii ganaaxa mise 4 dhibcood ayaa laysinkiisa laga la kacay. 3 dhibcood oo qur ah ayaa hartay taas oo macneheedu yahay in hal mar oo kale haddii la ganaaxo uu laysinka lumin doono muddo 3 bilood ah, haddii uu laysinka lumiyana shaqada waa lumiyay.

Dugsiiye markii uu shaqada dhammeeyay waxa uu toos u aaday maqaaxidii shiishada waxa uu na dalbaday xabbad shiisho ah kaddib na wiilkii maqaaxida ayaa u yimid oo raba lacagtii dhaladii jabtay. Wiilka Afgaaniga ee maqaaxida iska lihi waxa uu ku adkaystay in Dugsiiye bixiyo lacagta dhalada maadaama uu asagu jabiyay dhalada haddii Dugsiiye diido ama dafiro in uu jabiyayna kaamarada maqaaxida ayaa marqaati ah iyo dadkii maqaayadda joogay. Dugsiiye waxa uu ku calaacalay in uusan $160 doolar bixin karin laakiin Afgaanigii maqaaxidu waxa uu ku adkaystay in lacagtii dhalada la siiyo. Dugsiiye waxa uu maqaayadda shiisho ka cabbayay 2 sannadood oo xiriir ah oo habeen walba uu imaanayay habeenka ugu yarna waxa uu uga tagayay $30 taas oo u dhiganta $30×365 habeen= $10,950×2 sano= $21,900. Saddex sannadood oo kale na waxa uu shiishada ka cabbayay maqaaxi Lubnaani ah laakiin labadii sano ee ugu dambaysay Afgaanigaan ayuu macmiil u ahaa.

Dugsiiye waxaa $160 doolar u haysta nin uu labadii sannadood ee la soo dhaafay siiyay $22,000 oo doolar ama ka badan waayo marmar ayuu Dugsiiye hal habeen 3 dhalo oo shiisho ah cabbi jiray.

La soco qaybta 3-aad…

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media