Erdoğan oo noqday madaxwaynihii ugu horreeyay ee Muslim ah ee cambaareeya weerarka NZ

0

(Ankara) 15 Maarso 2019 – Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan ayaa si xooggan u cambaareeyay wax uu ku tilmaamay “weerar bahalnimo ah oo argagixiso” oo lagu qaaday masaajid ku taalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay tani qayb ka tahay “tusaalayaasha ugu dambeeya ee cunsuriyadda iyo Islaam-nacaybka”, halka uu u tacsiyeeyay dunida Muslimka ah iyo dadka New Zealand.

“Waxaan si xooggan u cambaaraynayaa weerarka argagixiso ee lagu qaaday masjidka Al Noor Mosque ee New Zealand ee ay Muslimiintu ku cibaadaysanaysay. Ilaahay ha u naxariisto inta dhimatay, inta dhaawac ahna caafimaad deg deg ah ha siiyo,” ayuu yiri madaxwaynaha oo Twitter-ka kusoo qoray dhowr farriimood.

Saraakiisha kale ee Turkiga ah ayaa iyaguna tacsi iyo cambaarayn soo dhigayay baraha bulshada, iyadoo uu Erdogan yahay MW ugu horreeyay ee Muslim ah ee arrintan cambaareeyay.


Hadalsame Media