DHACDO DHIIG BADAN: Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka masjidyada Christchurch (Xogta xulka Bangladesh) + Sawirro

0

(Christchurch) 15 Maarso 2019 – Koox argagixiso ah oo la sheegay in ay ka koobnaayeen 3 nin iyo qof haween ah ayaa weerar ku ekeeyay laba masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Waxaa weerarkaasi ku dhintay in ka badan 49 qofood oo ay carruuri ku jiraan, halka ay magaaladu la tacaalayso dawaynta in ku dhow 50-meeyo qofood oo ay qaarkood dhaawacyo halis ah qabaan.

RW New Zealand, Jacinda Arden oo weerarka kaddib dadka la hadashay ayaa aad u cambaaraysay weerarka oo si tifaftiran u faahfaahisay kuna tilmaantay mid argagixiso, iyadoo sheegtay in ay booliisku gacanta ku dhigeen ilaa 4 qofood oo 3 ka tirsani si toos ah ugu lug leeyihiin weerarka. Midkood waa Australian.


Xulka Cricket-ka dalka Bangladesh oo salaadda Jimcaha u joogey masjidka Hagley Park ayaa la sheegay inaysan waxba gaarin iyagoo ku baxsaday dhanka Hagley Park iyagoo tegey meesha lagu magacaabo Oval.

Waxyaabaha weerarkan ka dhigaya mid aad looga noxo waa in loo isticmaalay kaamiro jireed kaddibna xitaa toos looga sii daayay baraha bulshada gaar ahaan Facebook, waloow iminka koontadaa la kansalay.

Booliiska NZ ayaa sheegay inay ka ‘war heleen’ in weerarka toos loo baahinayo, balse aysan markiiba hubin karin waxa dhacaya sida ay ku doodeen.

Mid ka mid ah argagixisada ayaa xitaa boggiisa Facebook soo dhigay bayaan dheer oo shisheeye iyo soo galooti nacayb ah, taasoo aan la ogayn inay booliisku ka ”il duufeen ama iska indha tireen.”

Booliiska NZ ayaa masjidyada dalkaasi oo idil ku amray in maanta la xiro, si looga digtoonaado weerarro kale oo qorshaysnaan kara, halka iskuullada Christchurch markii hore la xirey, balse dib loo fasaxay. Magaalada ayaa iminka booliis miiran ah.

Wax aan ka badnayn 1% ayaa Muslim ka ah dadka New Zealand oo 5 milyan ah, sida ku cad tirakoobka dowladda, Muslimiinta dalkaasi waxay ahaayeen wax ka yar 50,000 sanaddii 2013-kii.

Hadalsame Media