DF Somalia oo saxiixday mashruuc jidad waawayn looga dhisayo gobollada dalka (Imisa magaalo ayay isku xirayaan?)

0

(Muqdisho) 15 Maarso 2018 – DF Soomaaliya ayaa shaacisay inay dalka ka hirgelinayso mashaariic waawayn oo lagu dhisayo waddooyin isku xiraya gobollada dalka, sida laga sheegay shirka dhismaha waddooyinka isku xira gobollada dalka oo muddo saddex maalmood ah kasocday Muqdisho, kaas oo uu maanta soo xirey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Cabdi Aadan Hoosow.

Shirka ayaa laga sheegay in waddooyinka la dhisayo ay ka mid yihiin Baladwayne – Gaalkacayo, Gaalkacayo – Garoowe, Gaalkacayo – Hobyo, iyo Luuq Ganaane – Doolow, iyadoo ay shirka ka qayb galeen Wasiirrada Hawlaha Guud ee maamul-gobolleedyada dalka, Madax ka socotay Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Yurub, Khubaro iyo Ingineero Soomaaliyeed.

Gabagabadii shirka ,waxaa lagu kala saxiixday heshiiska dhismaha wadooyinka, iyadoo uu Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliya, Cabdi Aadan Hoosow uu qalinka ku aasay saxiixa hesiiskaasi, isagoo xusay muhiimadda ay kaabayaashani u leeyihiin kobaca dhaqaalaha dalka Soomaaliya iyo ballaarinta ama hirgelinta dowladnimada lafteeda.

Waxaa intaa dheer, Wasiir Cabdi Aadan Hoosoow oo si gaar ah ula kulmay danjiraha Talyaaniga oo mashruucan ka qayb qaadanaya, wuxuu si gaar ah kulan ula qaatay Hay’adda Horumarinta Talyaaniga & sidoo kale Bangiga Horumarinta Afrika (ADP).

Hadalsame Media