DASTUUR DADWAYNE: Ka bogo 19 qodob oo ka mid ah QAANUUNKA AAN QORNAYN ee ay bulshadu ku dhaqanto (Qaybtii 3-aad)

0

(Hadalsame) 14 Maarso 2019 – Waxaa jira qodobbo fara badan oo loo yaqaanno qaanuunka aan qornayn balse ay misna bulshada ku dhaqanto ama ay kaa rajaynayso inaad fahamsan tahay. Haddaba ka bogo:

1. Markii aad joogtid guri islaameed ha codsan WiFi.

2. Waligaa qof ha la hadlin, adiga oo gashan ookiyaalaha qorraxda.

3. Markii aad qof wax waydiisanaysid waydii inta aadan shaygaa taaban, kor u qaadin ama aadan isticmaalin!

4. Had iyo goor warka bilow marka uu qofku ku eegayo, waa ceeb in aad qofkii oo tagay hadal uusan maqlayn ka dabatuurto!

5. Marka aad qof la hadlaysid magaciisa ku bilow, waxay markaa u badan tahay inuu dareen kuu yeesho, haddii kale wuu iska kaa indha tirayaa ama maba fahmayo inaad isaga la hadlayso!

6. Ha ka jawaabin su’aal aan lagu waydiin. Marka qof ku ceeboobo meel maxfal ah ha fiirin qofkaas.

7. Waligaa si taban ha uga faalloon qof heestiis ama codkiis.

8. Marka aad xaflad, sab ama aroos joogtid iska dhadhami cuntada inta aadan saxanka buuxsan.

9. Waligaa ha ka xaraabaysan qof codkiisa.

10. Haddii aad kaligaa Taksi raacdid fariiso kursiga hore. Qofna ma jecla in uu shufeer kuu noqdo.

11. Marka aad saaxiibbada heeso la dhagaysanaysid raac oo dhagayso heesaha loo badan yahay. 

12. Marka aad asxaabtaada la cashaynaysid/qadaynaysid ha ka hadlin dhibaatooyinkii la soo dhaafay.

13. Waligaa ha furin qof kale boorsadiisa.

14. Marka aad qof albaabka ka furtid u ogolow marka hore in qofku soo galo. Ha isku hor qaadan martida.

15. Marka labo qof sheeko dhexmarayso oo aysan dareen ku siinayn waxaa kuu fiican in aad meesha ka dhaqaaqdid.

16. Farta ha ku fiiqin dadka kali socodka ah ama aammusan.

17. Waligaa ha taaban qof kale moobeylkiis ilaa uu kuu fasoxo.

18. Haddii qof waraaq laguu gu dhiibo ha akhrin warqadda.

19. Marka qof isbedaal muuqaal ku dhaco sida cayil ama bidaar ha uga faalloon qofkaas isbeddalka ku dhacay waayo waa uu ogyahay.

La soco qayb kale….

Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini

Hadalsame Media