DAAWO: Sida ay u baxsadeen & halka ay galeen xulka Bangladesh, xaalka xulka gabdhaha Australia oo ay isku hoteel joogeen + Sawirradii ugu dambeeyay!

0

(Christchurch) 15 Maarso 2019 – Xulka Bangladesh ee ciyaarta Cricket-ka ayaa la xaqiijiyay in ay “ka badbaadeen” weerarkii lagu qaaday masaajidda Christchurch kaasoo u dhow meel ay kula ciyaari lahaayeen xulka New Zealand.

Ciyaarta oo berri ku qabsoomi lahayd Hagley Oval, marka ay saacaddu tahay 9am, ayaa iminka la baajiyay.

Dhamaanba laacibiinta iyo shaqaalaha xulka Bangladesh oo xilligii weerarka masjidka ku sugnaa masjidka ayaa nabad tegey hoteelkooda, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Bangladesh Cricket, kuwaasoo sheegay inay laacibiintu garoonka Hagley Oval.

Xulka hablaha Australia ee 19-jirrada oo iyaguna ciyaar u jooga New Zealand isla markaana ay isku hoteel deggan yihiin xulka Bangladesh, ayaan waxba gaarin.

Jookarka Tamim Iqbal, oo ka mid ah ragga ugu goolasha badan xulka Bangladesh ayaa sheegay inay cagaha wax ka dayeen markii ay rasaastu bilaabatay, isagoo xaaladdii meesha ku tilmaamay mid “cabsi leh”.


Hadalsame Media