XOG: Somaliland oo soo jeedisey hindise cusub oo ku saabsan wada hadallada ay la geleeyso DF Somalia

0

(Addis Abeba) 14 Maarso 2019 – Waxaa beri dhowayd magaalada Adis Abeba oo ay kala buuqdeen Madaxwaynaha Somalia Md Farmaajo iyo Madaxwaynaha maamulka Somaliland Md Biixi ay kasoo saareen war saxaafadeed ay mabda’iyan ku taageerayaan inay wada hadlaan.

Warar hoose oo uu helayo hilin wareedka Hadalsame Media oo aan weli la xaqiijinin ayaa sheegaya in ay Somaliland oo mareeysa hilinno diblomaasiyadeed, keentay hindise ku aaddan in wada hadallada labada dhinac lagu qabto magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana.

DF Somalia ayaa la sheegay in laga sugayo jawaab ku aaddan inay aqbasho kulankaasi oo ay Somaliland doonayso inuu qabsoomo 19-ka bishan Maarso 2019, balse weli wax war ihi kama soo bixin.

Somaliland ayaa dalbanaysay in la ballaariyo dalalka goobjoogga ka noqonaya wada hadallada labada dhinac, waloow aysan weli caddayn doorka ay Somaliland jeclaan lahayd inay dhinacyadaasi ku yeeshaan wada hadalladan.

Turkiga ayaa ahaa dalka fududeeynayay wada hadalladan, waloow ay sidoo kale meelo kale kulamadani ka dheceen, balse aan wax micne lihi marna kasoo bixin, maadaama ay qolo waliba moowqifkeeda ku dheggan tahay, sidoo kalena aanu muuqanin bisayl iyo rabitaan xal lagu gaaro.

 

Hadalsame Media