QAB MARAN?! ”Soomaalidu waa dad qab wayn, laakiin ma u qalmaan?” – Kamaal Guutaale ayaa ka hadlaya (Daawo)

0

(Hadalsame) 14 Maarso 2019 – Kamaal Guutaale oo ka mid ah madaxda Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay moowduuc ku saabsan guud ahaan Soomaalida iyo booska ay dunida uga jiraan.

Halkan ka DAAWO…

Wuxuu sheegay in Soomaalidu tahay bulsho isla wayn oo dunida kale xukmisa, balse aan iyadu muraayadda isku eegin. ”Xita kuwan aannu la nool nahay waxaan ku tilmaannaa ”cawaan”, balse armaan annagu cawaanta nahay?” ayuu is waydiiyay Guutaale oo loo badinayo inuu ka hadlayay South Africa ama Kenya.

”Cabbir kasta oo dunida ka jira annaga ayaa ugu hooseeyna” ayuu yiri Kamaal Guutaale oo sheegay inay Somalia ugu hooseeyso musuqa, geerida carruurta, umul raacashada, maamul xumada, dadka la iska laynayo, nidaam darrada, xitaa dadka la tahriibiyo.

Hadalsame Media