Mashruuca derbigii ay Kenya ”xadka” ka dhisaysey oo CEEB dhex fariistay!

0

(Nairobi) 14 Maarso 2019 – Xubno ka mid ah Golaha Shacabka Kenya ayaa soo jeediyay in baaris lagu sameeyo lacag ka badan Sh3.4 bilyan oo shilin oo la sheegay in lagu dhisay 10 km oo ah gidaarka lagu muransan yahay ee laga dhisayo xad beenaadka Kenya iyo Somalia.

Waloow ay sidoo kale sheegeen in derbigani aanu ahayn tillaabo wax ku ool ah marka ay timaaddo la dagaallanka Al-Shabaab, misna waxay sheegeen in lacag badani halkaa ku khasaartay, iyadoo dembi baariska Directorate of Criminal Investigations (DCI) iyo hay’adda anshaxa iyo ka hortagga musuqa ee Ethics and Anti-Corruption Commission (EACC) ugu baaqay inay arrintan dabagal ku sameeyaan, iyagoo soo jeediyay in gidaarkani aanu waxba ka tari doonin amaanka qoowmiga ah.

Mashruucan ayaa ku saabsan derbi silig ah oo lagu meegaarayo xad beenaadka labada dal oo gaaraya ilaa700 oo km.

Wuxuu ka bilaabmayaa magaalada Soomaaliyeed ee Mandheera isagoo gaari lahaa ilaa Kiunga oo ka tirsan Lamu oo ku taalla halka ay Kenya ka kulaasho Badwaynta Hindiya.

Hadalsame Media