“Ha quusin, ha quusin!” – Cilladaha MAX 8 oo la sheegay inay duuliyeyaal badani horay uga cawdeen

0

(Chicago) 14 Maarso 2019 – Duuliyeyaasha nooca Boeing 737 MAX 8 ayaa haatan kashifay in horay loo arkay ugu yaraan laba jeer dayuuraddan oo sanka u quusaysa hawada kahor intii aanu dhicin shilkii ugu dambeeyay ee fadeexadda ku noqday sharikadda Boeing.

Sharikadda Boeing ayaa haatan khasaareheeda tirsanaysa, kaddib markii la wada fariisiyay dufcaddii ugu iibsiga badnayd ee Boeing 737 MAX 8, kaddib laba shil oo laayaan ah oo ay 5 bilood u dhexeeyso.

Yeelkeede, labadaa dayuuradood oo qura maahane, waxaa haatan soo baxaya kiisas kale oo isla dayuuraddan la xiriira, balse aan shil ku dhamaanin, iyadoo ay ugu yaraan laba duuliye oo Maraykanka oo qur ihi sheegeen in ay la kulmeen kiisas ay dayuuraddu mar qura uga soo degtey joogga sare ee ay ku duulaysey iyadoo sanka u quusaysa, gaar ahaan marka socodkeeda laga dhigo otomaatik (autopilot), bilihii yaraa ee ugu dambeeyay.

Sida ku xusan hannaanka sheegitaanka badbaadada hawada ee Aviation Safety Reporting System oo ah hay’ad ay maamusho NASA, ayaa sheegaya in ay soo gaareen ilaa 11 warbixin oo loosoo diray min Abriil 2018 ilaa Diseembar 2018, kuwaasoo ku saabsan cillado kala duwan, iyadoo ay laba ka tirsani ku saabsan yihiin hoobad ay mar qura dayuuraddu samaysay, sida lagu qoray USA Today.

Hal shil ayaa lasoo sheegay in markii uu duuliyuhu dayuuradda ku xirey hannaanka is wada ee autopilot, uu duuliye xigeenkii mar qura ku qayliyey, “Way hoobanaysaa,” halka uu qalabka ku xiran shirka dayuuradda ee ka diga hoobashadu uu ka digayey, “Ha quusin, ha quusin!.”

Duuliyeyaashii ayaa deeto la sheegay inay xireen hannaanka autopilot-ka, oo ay gacanta ku qabteen dayuuradda (manual) taasoo keentay inay dayuuraddu joojiso quusitaankii.

Hadalsame Media