Fadeexad kale oo kusoo baxday Facebook (Ma ogatahay waxa uu xogahaaga ku sameeyo?)

0

(Menlo Park) 14 Maarso 2019 – Hay’adda Facebook ayaa markale baaris lagu bilaabay iyadoo lagu haysto inay xogta isticmaalayaasheeda si sharci darro ah ula wadaageen shirkado kale, iyagoo aan ogaysiin.

Dacwad oogayaasha ayaa baaritaan dembi ah ku bilaabay shirkadda ugu wayn baraha bulshada adduunka, oo la sheegay inay qandaraasyo qaali ah la gashay sharikaad kale.

Garsoore wayn oo New York ku sugan ayaa dacwad ka gudbiyay laba shirkadood oo waawayn oo ah kuwa sameeya telefoonnada (smartphone) kuwaasoo heshiis jaalnimo kula jira Facebook, sida uu qof is qariyey u sheegay New York Times.

Facebook ayaa bishii Juun sheegtay inay sharikado waawayn oo dhanka tiknolojiyadda ah la wadaagtey xogo khaas ah oo ay leeyihiin dadka adeegsada Facebook, xilli ay horay u sheegtay in ay falkaa joojisey Maajo 2015.

The New York Times ayaa sheegay in Facebook ay xogahan la wadaagtey shirkadaha Amazon, Apple, Microsoft iyo Sony oo ay wehliyaan ilaa 61 shirkadood oo dhisa barnaamijyada hardware iyo software.

Heshiiskan ayay Facebook shirkadahaa kula gashay inay arki karaan xogaha qofka, tan saaxiibadii, xogta xiriirka iyo xogo kale, jeer aanu wacaal u haynin, waxaana la sheegay inay arrintaasi saamaysay in ka badan 87 milyan oo qofood.

Hadalsame Media

Facebook Comments