DAAWO: ”Waxaan u baahan nahay iyadoo kale oo badan!” – Mehdi Hasan oo tusaale dhiirri gelin ah ka dhigay Ilhaan Cumar

0

(Washington, DC) 14 Maarso 2019 – Weriyaha caanka ah ee Mehdi Hasan oo sidoo kale ah gayfane u dhaqdhaqaaqa dadka laga tirada badan yahay iyo Islaamka ayaa aad u amaanay Ilhaan Cumar.

Mehdi Hasan oo hadda u wareegay magaalada Washington, DC, balse u dhashay Britain, ayaa soo qaatay taariikhda Ilhaan min iyada oo qaxooti ku ah dalka Kenya, islaa imaansheheedii Maraykanka, waxbarashadedii, ilaa ay ka gasho Koongarayska Maraykanka iyada oo dhowr rikoodh jebinaysa.

Wuxuu sheegay in Ilhaan Cumar oo ah wax kasta oo uu neceb yahay Donald Trump iyo taageerayaashiisa midigta ihi ay Koongarayska Maraykanka, gaar ahaan Aqalka Wakiillada ku gashay codad gaaraya 78% oo ay ka heshay degmada 5-aad ee Minneapolis, si ay gobolka Minnesota ugu metesho Aqalkaasi.

Wuxuu soo jeediyay in soo galootiga, qaxootiga iyo dadka laga tiro badan yahay iyo xuquuqohooda iyo karaamadooda u istaagaan, iyagoo dhiirri gelin ka dhiganaya sheekada Ilhaan Cumar.

 

Hadalsame Media

Facebook Comments