”Yurub ma qososho!” – Britain oo ay xaaladdu ku xun tahay & Midowga Yurub oo tusaale uga dhigaya dalalka kale (Maxaa xiga?)

0

(London) 13 Maarso 2019 – Xilli aysan Midowga Yurub doonaynin inay Brexit ka dhigaan xaajo si fudud ku xallisanta, waxay u muuqataa in aysan London si qaabsan uga bixi doonin Yurub, xitaa haddii ay baxdo kaddib markii xalay la diidey heshiiskii Theresa May iyo EU, sida ay khubaradu ka digayaan.

Jeer ay iminka 2 todobaad uun ka harsan yihiin xilliga ugu dambeeya oo ah Maarso 29, Britain ayaa durba waqtigu ku yahay si ay uga kabtaan saamaynta xun ee ka dhalan karta Brexit, sida uu sheegay khabiirka Francesco Rizzuto, oo ah professor Sharciyada Yurub ka dhiga Edge Hill University.

”Xitaa haddii ay mucjiso dhacdo oo [RW Theresa May] ay xalay guulaysan lahayd, si fudud ma hayno waqti nagu filan oo mudadadaa yar meel lagu saaro qiyamka ay Britain yeelanayso marka ay baxdo.” ayuu yiri.

Wuxuu intaa raaciyay in aan laga yaabin in May ay cod 3-aad u qaaddo heshiiska ay kasoo heshay Yurub, waayo taasi waa  “mid gebi ahaanba waalli ah” sida uu qabo, isagoo sheegay in “Brussels aysan libiqsan, hadda kaddibna aan jixin jix laga sugaynin,” sida uu yiri.


Tareenka holcaya ee Britain ayaa haatan u shiraacanaya safarkiisa xiga, iyadoo maanta lagu wado inay xildhibaannada Aqalka Hoose ay diidaan dookha kale ee ah inay Britain baxdo heshiis la’aan (no-deal Brexit).

Waxaa deeto la qaban doonaa codayn loo samaynayo in dib loo dhigo dhaqan gelinta Qodobka 50-aad ee ka bixitaanka Yurub, kaasoo qabsoomaya Khamiista, balse taa lafteedu waxay uun mudaynaysaa xanuunka, balse dawayn mayso.

Madaxwaynaha Golaha Yurub ee Donald Tusk ayaa iminka u muuqda mid xaajadan gebi ahaanba ka faraxashay, maadaama uu afhayeenkiisu saxaafadda u sheegay in “Midowga Yurub ay horay u sameeyeen wax kasta oo suuragal ah si heshiis loo gaaro.”

Waxaan xitaa caddayn in EU ay Britain ka ogolaan doonto in waqtiga ka bixitaanka Yurub oo ku eg 29-ka Maarso loo kordhiyo, xitaa haddii sidaa la waydiisto.

Brussels ayaa ku adadag tibxaha furriinka labada dhinac, iyadoo weliba doonaysa inay xanuujiso UK, si aanay mustaqbalka dalal kale ugu dhiirranin inay ururkaa uga baxaan si fudud oo aanay ka fiirsan, sida ka dhacday Britain oo ay aftidaa ku qalqaaliyeen rag aan lahayn miisaan siyaasadeed iyo mid hoggaamineed, sida Boris Johnson, Nigel Farage iwm.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media