”Waxaad tahay eey, dameer & addoon madoow!” – Diblomaasi Qadari ah oo si qaab daran muddo dheer ula dhaqmay oday Soomaaliyeed

0

(London) 13 Maarso 2019 – Diblomaasi Qadari ah ayaa darawalkiisa ugu yeeri jirey “eey”, “dameer” iyo “addoon madow” xilli uu ku qaaday olole meel ka dhac ah oo jireed iyo mid sinji, nin Soomaaliyeed oo ka shaqaynayay safaaradda Qadar ee London, sida ay maxkamadi dhegeysatey.

Abdullah Ali Al-Ansari, oo lagu sheegay diblomaasi iminkaba ka shaqeeya waaxda caafimaadka ee Safaaradda Qadar, ayaa ku eedaysan inuu dhibaato baahsan u gaystey Mahamoud Ahmed, 79 jir, oo u ahaan jirey darawal, isla markaana ku qaybsanaa amaanka xilliga habeenkii.

Odaygan Soomaaliyeed ayaa diblomaasigaa Qadariga kala kulmayay meel ka dhacyo baahsan, isagoo sida uu qorayo The Telegraph ula dhaqmayay “sidii addoon uu gaar u leeyahay” oo uu wacan karo “24 saacadood maalintii, 7 maalmood todobaadkii”.

Waxaa shalay maxkamadda shaqaalaha ee London laga sheegay in diblomaasigani uu odayga Axmed xitaa ku dayay inuu ku laaluusho £50,000 oo gini, si uu u tuuro kiiskan maxkamadeed “oo uu aamuskiisa u iibsado”.

Md Axmed, 79-jir haysta dhalashada British-ka, balse Soomaali ah ayaa safaaradda oo uu ka shaqaynayay ilaa 2007-dii laga eryey 2013-kii.

Dacwaddu iminka waa furan tahay oo waa socotaa…

Hadalsame Media