Kooxda Juventus oo xalay faa’iido rikoodh jebis ah heshay

0
Jonathan Moscrop - LaPresse 20 11 2012 Torino ( Italia ) Sport Calcio Juventus vs. Chelsea FC - UEFA Champions League 2012-2013 Gruppo E Matchday 5 - Juventus Stadium Nella foto: Coreografia allo stadio Jonathan Moscrop - LaPresse 20 11 2012 Turin ( Italy ) Sport Soccer Juventus versus Chelsea FC - UEFA Champions league Group E Matchday 5 - Juventus Stadium In the photo: Juventus fans decorate the stadium

(Torino) 13 Maarso 2019 – Kooxda Juventus ayaa xalay garoonkeeda ka heshay faa’iido rikoodh jebis ah, taasoo gaaraysa €5.5m oo euro, ciyaartii ay 3-0 Champions League uga reebeen Atletico Madrid.

Lacagtan ayaa ka badan middii markii hore rikoodhka ahayd oo dhamayd ku dhowaad €5m oo euro oo kasoo xarootay guuldarradii ay 2-1 uga badisay Manchester United horraantii fasalkan.

Waxaa qaddiyadda Juve caawisay garoonka oo wada gadmay iyo taageerayaasha Curva Sud oo joojiyay qaaddacaad ay ku hayeen kooxdooda, iyagoo ka cabanayay qiimaha tigidhada oo la kordhiyey.

Atleti ayay garoonka ka joogeen 1,690 oo taageere, halka inta kale ay ahaayeen taageerayaasha Juve iyo dad kale, waxaana dadkii ciyaarta xalay kasoo qayb galay ka mid ahaa Patrice Evra, Ciro Ferrara iyo duqa magaalada Torino Chiara Appendino, iyo sidoo kale 300 oo weriye oo dunida ka kala socdey.

Hadalsame Media