HESHIIS DHACAY: Qadar oo iibsanaysa tawaangida uu Turkigu sameeyo ee ALTAY

0

(Ankara) 13 Maarso 2019 – Dalalka Turkey iyo Qadar ayaa kala saxiixday heshiis uu dalka dambe Turkey uga iibsanayo tawaangida waawayn ee Altay, sida lagu qoray Daily Sabah.

Sida uu sheegay Guddoomiye Xigeenka Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta ee AK Party, Ali İhsan Yavuz, ayaa sheegay inuu heshiiskani dhigayo in Qadar laga iibiyo ilaa 100 taangi, kuwaasoo 40 ka mid ah dalkaa loo daabulayo wejiga 1-aad.

Yavuz ayaa sheegay in marka dufcadda 1-aad loo daabulo Qadar, matoorrada tawaangida dambe uu Turkigu si maxalli ah usoo saari doono.

Haatan tawaangida Altay oo la awood ah 1,500 oo faras, waxaa farsameeysa sharikad Jarman ah oo la yiraahdo MTU Friedrichshafen GmbH.

Hadalsame Media