Faransiiska oo Itoobiya ka caawinaya dhismaha ciidamo badeed & dhinacyo kale + Sawirro

0

(Addis Abeba) 13 Maarso 2019 – Ethiopia iyo Faransiiska ayaa ku heshiiyay inay samaystaan iskaashi ciidan oo qoto dheer, kaasoo uu qayb ka yahay in dalkan bad xiranka ah laga caawiyo inuu yeesho ciidamo badeed, jeer ay Paris doonayso inay xiriir dhaqaale la samaysato dalka 2-aad ee ugu dadka badan Afrika.

Madaxwaynaha Emmanuel Macron oo booqasho rasmi ah oo 4 maalmood ah ku tegey Geeska Afrika ayaa doonaya inuu dib u habeeyo xiriirka qaarad aanu magac wanaagsan ku lahayn gumaysi hore ahaan, isla markaana uu aad uga dambeeyo dalalka kale.

Macron ayaa doonaya inuu saamayn ka raadiyo dhinacyada dhaqanka, waxbarashada iyo millateriga, isagoo aqoontiisa ciiidan doonaya inuu kusoo jiito Itoobiya oo yara furfurmaysa.

“Heshiiskan oo ah nooc aan horay loo arag wuxuu u baahan yahay xayndaab… marka ay timaado qaabka ay Faransiisku u doonayaan inay u dhisaan ciidamada badda Itoobiya,” ayuu yiri Macron oo uu barbar taagnaa RW Abiy Ahmed oo ay shir jaraa’id wada qabteen.

Heshiiskan ayaa Itoobiya siinaya fursado iskaashi oo dhanka cirka ah, samaynta howlo wada jir ah iyo fursado tababar, sidoo kale waxaa Itoobiya laga iibin doonaa agab ciidan.

Itoobiya ayaa horay u dhisatay Akadamiye lagu barto arrimaha la xiriira badda (EMTI), iyadoo ay dad badani u dheg taagayaan waxa Itoobiya oo aan bad lahayni ay u dhisanayso ciidamo badeed iyo halka ay saldhigan doonaan.

Hadalsame Media