Ehelada dadkii ku dhintay shilkii dayuuradda EA oo ay Soomaali ku jirto oo la geeyay goobtii shilka (Maxay lasoo kulmeen?)

0

(Addis Abeba) 13 Maarso 2019 – Annaga oo la soconna Kolonyo baabuur ah oo lagu sido ehelka rakaabkii dayaaradda Ethiopian Airlines ee Axaddii burburtay ayaan maanta fursad u helnay in aan tagno Bishoftu oo koofur – bari ugu began Addis Ababa, ahna barta ay dayaaraddu ku soo dhacday.

Waxay ahayd buqcad tiiraanyo taallo. Beer aan waxba ka baxeyn oo ku taalla buuro dhexdood oo iyadu inteeda badan ah dhul siman ayaa waxaa dhex yaalla wixii ka haray burburkii dayaaradda. Qaarkood jiho kasta ayay ku kala firirsan yihiin, qaarna laba meelood ayaa la isugu ururiyay. Dokumentiyo kala duwan iyo muuqaallo aan ku habbooneyn in halkaan faallo looga bixiyo ayaan aragnay.

Duco fara badan oo kala af iyo diin ah ayay dadka qaarba meel la istaageen. Ubax ayay dadka qaar dhigeen iyo shumac baxaya. Qoys waxaan arkayay qofka ka dhintay sawirkiisaa oo weyn halkaa dhigay.

Quus billow ah ayaan la soo laabannay.

Waxaan wada soconnay walaalkeey Ilyaas iyo Cabdimuncim oo ay wada dhasheen Allah ha u naxariistee Cabdishakuur Maxamed Shahaad iyo Soomaali badan ehelkoodu ku dhintay shilka – Dhammaantood Allah ha u nxariisto.

Ethiopian Airlines waxay muujisay qaddarin weyn oo ay u hayso ehelka dadka ku dhintay dayaaraddeeda.

Waxaa Diyaariyay: Yuusuf Garaad