Duuliyihii dayuuraddii dhacday oo salaad gaar ah loo niyaystey!

0

(Mombasa) 13 Maarso 2019 – Boqollaal Muslimiin ah oo reer Mombasa ah ayaa isu yimid si ay ugu duceeyaan duuliyihii 1-aad ee dayuuraddii Ethiopian Airlines ee dhacday, Yared Tessema Getachew, kaasoo ka mid ahaa 157 qof saarnaa dayuuraddaasi oo ku dhacday meel 60 km dhanka jidka u jirta Addis Ababa.

Duuliye Getachew ayaa loo dukadey salaad janaaso ah isagoo maqan masjidka Baluchi Mosque ee Mombasa shalay fiidkii.

Sida lagu qoray warbaahinta Kenya, maadaama aan weli la helin maydka duuliyaha oo haddii uu jirana aan weli laga soo fasixin dalka Itoobiya, waxaa lagu dukadey Salaatul Ghaa’ib sida ay sheegeen.

Mr Getachew oo ahaa asal Itoobiyaan haysta dhalashada Kenya, ayaa waxaa iska dhalay hooyo Kenyan ah iyo aabbe Itoobiyaan ah, wuxuuna ahaa Muslim, sida duuliyihii labaad oo isna la sheegay inuu Soomaali ahaa.

Weli ma cadda xilliga maydkiisa loosoo duulinayo Kenya, balse Wasiirka Gaadiidka Kenya ee James Macharia, ayaa Isniintii ballan qaaday inay qoysaska Kenyan-ka ah ka caawinayaan inay dayuurado ku geeyaan Itoobiya si ay u bar gartaan maydka eheladooda.

Hadalsame Media