Tusaale cajiib ah oo ku saabsan musuqa & madaxda Afrika + Sawirro

0

(Hadalsame) 12 Maarso 2019 – Hogaamiyaha Mucaaradka ah Ee waddanka Kenya Mr. RAILA ODINGA ayaa wuxuu yiri, Markii Aan ahaa wasiirka waddooyinka iyo Gaadiidka Ee kenya, ayaa waxaa la ii sheegay in Wasiirka Waddooyinka iyo Gaadiidka Malaysia uu casuumad u fidiyey Wasiirka dhiggiisa ah ee Dalka Nigeria.

Kadib Markii wasiirkii yimi waddanka Malaysia, Ayaa wasiirkii waxa uu kusoo wareejiyey Waddooyinka waaweyn iyo buundooyinka Dalka Malaysia. Kadibna,casho loogu sameeyey Guriga wasiirka oo ah mid aad unaqshadaysan.

Wasiirkii Nigeria ayaa wuxuu yiri sidee ku dhistay Gurigan quruxda badan?, wasiirkii wuxuu kujawaabay, Ma u jeeddaa Waddooyinkaas waa weyn. “HAA ayaa wasiirkii Nigeria ka socday ku jawaabay ” 10% kamida ayaan kudhistay Gurigaan.

Labo Sano kadib, ayaa wasiirkii waddooyinka iyo Gaadiidka Malaysia booqashu tii lamida uu ku tagay waddanka Nigeria.

Intaas kadib, wasiirka waddooyinka Ee Nigeria ayaa dhiggiisa Malaysia kusoo wareejiyey Waddooyin dayacan oo uu kamuuqdo bur bur iyo dayac. dabeedna waxaa casho sharaf loogu sameeyey, Guriga wasiiirka oo ah qasri aad u weyn, leh baraagaha lagu dabaasho, Qalabkiisa dhismaha laga soo dhoofshay dalka dibaddiisa.

Haddaba, Wasiirkii ayaa yiri Sidee ku dhistay Gurigaan?. Wasiirkii Nigeria ayaa Deyrka (balcony) Guriga ka tusay Ma u jeedda waddooyinkaas waa weyn? “MAYA ayuu ku jawaabay”. 100% Lacagtoodii Gurigan ayaa lagu maalgaliyey.

Cajiib!!!

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xuseen Subeyr

Hadalsame Media