Hooyo uu wiil kale uga dhintay shil dayuuradeed oo Axaddii suuxday markii uu mid kale uga dhintay shilkii dhowaa

0

(Nairobi) 12 Maarso 2019 – Waxaa jirta murti tiraahda ”biriqi laba jeer hal meel kuma dhacdo”, balse Hooyo Celina Keter oo kasoo jeedda Kamasian Ward oo ka tirsan Kipkelion West, laba wiil ayaa uga kala dhinteen laba shil dayuuradeed.

Axaddii ayay ahayd markii ay dhacday dayuurad Ethiopian Airlines ah nooca Boeing 737 MAX 8 taasoo uu ku dhintay gura dambayska hooyadan oo sidoo kale carmal ah, Cosmas Kipng’etich Rogony.

Hooyo Celina ayaa markii warkan loosoo sheegay shoog dartii loo dhigay isbitaalka Siloam Hospital, waayo geerida Kipng’etich ayaa kusoo beegantay 19 sano kaddib geerida wiil kale oo ay dhashay oo la oran jirey Richard Rogony.

Wiiilkan ayaa ka shaqaynayay sharikadda Kenya Airways ayaa shil dayuuradeed ku dhintay Janaayo 30, 2000 taasoo ahayd dayuurad ahayd nooca Airbus A310 oo ku burburtay Ivory Coast.

Wiil ka wayn midka dhintay Axaddii dhintay, Philip Mason, ayaa sheegay in warkani wer wer hor leh u keenay.  “Waayo ma aynaan aqoonin sida aannu warkan ula wadaagi karno xubnaha waawayn ee qoyska, gaar ahaan hooyada, maadaama uu wiilkeedii kale ku dhintay shil dayuuradeed 19 sanadood kahor,” ayuu yiri Eng Mason.

Hadalsame Media