Faahfaahin u saabsan weerar cir iyo dhul ah oo ka dhacay deegeen ururka Al-Shabaab gacanta ku hayaan

0

(Daarusalaam) 12 Maarso 2019 – Wararka laga helayo deegaanka Daarusalaam ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaas ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanayay ciidamo caalami ah iyo Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Xalay saqdii dhexe ayaa ciidamada gaarka ee dowladda Soomaaliya waxay weerar cir iyo dhul ah ku ekeeyeen deegaanka Daarusalaam oo qiyaastii 7 KM dhanka galbeed uga beegan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Kumaandooska Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamo Maraykan ah ayaa dagaal adag la galay Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab waxaana dadka deegaanku sheegeen inay maqleen jugta qaraxyo iyo rasaas culus oo la si dhaafsanayay.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhankooda xaqiijiyay jiritaanka weerarkaan hase ahaatee ma aysan sheegin khasaaraha ka soo gaaray weerarka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen meydad iyo dhaawacyo ururka Al-Shabaab ka qaadayeen gudaha deegaanka waxayna diideen in shacabku ku soo dhawaadaan goobihii lagu dagaalamay.

Weerarkaan waxaa qayb ka ahaa duqeyn ay diyaaradaha Drones-ka Mareykanka ka geysteen deegaanka intii dagaalka dhulka ah uu socday. Ma jiraan wax faahfaahin oo ka soo baxay dhanka Saraakiisha dowladda Soomaaliya.

Hadalsame Media