Wax ka ogoow dhagarta ay Kenya wadato ee ay ku doonayso boobka badda Somalia

0

(Hadalsame) 11 Maarso 2019 – Sababta ay Kenya u diiday dacwada maxkamada aduunka ee ICJ, waa qorshe cusub oo ay wadato oo ah qorshe labaad (Plan B).

Qorshaha ay wadato Kenya marka dhinacyo badan laga eego ayaa waxa uu yahay in ay ka faa’ iideysato warbixin ay horey usoo saartay Qaramada Midoobay oo u dhignayd sidatan.

Warbixin ay bishii July 12-kedii Sannadkii 2013-kii soo saartay kooxda Contact Group ee Qaramada Midoobay ayaa cadaysay cawaaqibka ka dhalanaya haddii Soomaaliya aqbasho nidaamka xadaynta badda ee loo yaqaan EEZ (Exclusive Economic Zone for Somalia), taas oo ah in Soomaaliya waayeyso gebi ahaanba badda muranka la geliyey oo ay qaadan doonto Kenya.

Arrintaa warbixinta UN ama qaramada midoobay ay soo saartay waxay ku tiri: “Marka Soomaaliya aqbasho EEZ ee nidaamka hoos imanaya UNCLOS, markaas waxaa loo baahan doonaa in Soomaaliya iyo Kenya ay bilaabaan wada xaajood labada dalba aqbalsan yihiin oo ku saabsan xuduud badeedka.

Taasi waxay albaabka u fureysaa suurtagal in ay noqoto in dib loo xadeeyo xuduud badeedka badda ayadoo laga bedelayo xariiqda ku qotonta xeebta (perpendicular position) oo loo bedelo xariiq jiifta oo laacaysa loolka (Latitude line).

Isbedelkaasi waxa uu xaqiiqo ahaan dhulka la isku hayo qaybtiis ama gebi ahaantiisba hoos geynayaa badda Kenya. Sababtaas awgeed ayey ahayd tii keentay in 8-dii Bishii October Sannadkii 2011-kii ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya cod aqlibayad ah ku diideen isku daygii ahaa in EEZ lagu soo daro nidaamkii Road map-ka,” sidaas waxay ku caddahay warbixinta UN-ka soona baxday July 12, 2013 boggeeda 249 iyo 250.

Waxaa warbixinta UN-ku cadaysay in Soomaaliya ay sannadkii 1972-kii cabirka baddeeda ku qeexday 200 mayl-badeed oo ah Territorial Waters.

Waxaa arrintaas (in Soomaaliya ay leedahay 200 nm oo territorial waters ah) ayidey go’aan ay Bishii June 6-dedii Sannadkii 2013-ka ay soo saareen Golaha Wasiirada DFS, kaas oo qeexay sidan “Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf.

Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24-kii Bishii Julay Sannadkii 1989-kii iyadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.”

Qorshaha ay hadda wado Kenya.

Kenya waxa ay rabtaa in dacwada loo BADALO WADA XAAJOOD MIISKA LA WADA FADHIISTO, KADDIBNA LAGU DABAKHO WARBIXINTAN AAN KOR KUSOO XUSAY IYAGOO OG IN AY WADA HAYSTAAN SHARUUDIHII LOO BAAHNAA OO DHAN.

1) BADDU WAA IS DUL SAARANTAHAY (ma fahmin waxa uu qoruhu kelmaddan ula jeedo)

2) EEZ OO LA QAATAY IYO 12NM OO DHULBADEEDKA SOOMAALIYA LAGU SOO KOOBAY

3) LAW NO. 37 OO HAWADA LAGU DARAY AMA LA TUUREY.

Sida ay rabto Kenya waa sida sawirka ka muuqata in ay duudsido saddex xagalka oo ah bad baaxad weyn.

Ugu dambayn arinkaani maadaama uu taabanayo masiirka dalka waa in si deg deg ah looga fariisto oo la falan qeeyo sidii looga hortagi lahaa boobka ay wado kenya madaxda qarankuna waa inay mar walba la kaashadaan dadka wax ka fahamsan arintaan badda.

Qalinkii: Axmed Cali Guuleed

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media