CAJIIB: Duqa Magaalada Fair Haven ee dalka Maraykanka oo loo doortay Neef Ari ah + Sawirro

0

(Vermont) 11 Maarso 2019 – Waa sheeko xaqiiqo ah waxayna qabsatay dareenka warbaahinta caalamka iyo tan barasha Bulshada kadib markii bulsho ku nool Magaalo yar oo ku taala Maraykanka gaar ahaan Isteytka Vermont ay Neef Ari ah doorteen inuu noqdo duqa Magaaladooda.

Neefkaan Ariga ah oo la sheegay inuu yahay Lab ayaa lagu macaabaa Lincoln waana sadex sanno jir sida la sheegay iyadoona lagu sharfay inuu noqdo duqa Magaalada Fair Haven, waxaana uu si dirqi ah ugu guuleystay Codbixin la sameeyay.

Sida warbixinta lagu sheegay Lincoln ayaa ku guulaystay codad gaaraya 13 cod isagoo gaaracay musharixiin kale oo uu ka mid ahaa xawaan Ey ah oo lagu magacaabo Sammie iyo Jiir ama Dooli lagu magacaabo Crystal.

Doorashada Lincoln ayaa dhacday Qamiistii la soo dhaafay kadib markii ay isku yimaadeen bulshada deegaanka waxaana xilkaasi uu hayn doonaa muddo hal sanno ah. Waajibaadkiisa ayaa waxaa ka mid noqon doona inuu ka soo muuqdo kulamada dadka deegaanka ay qabsanayaan sida maalmaha ruc-leynta ama socodka.

Ri’ Magaalo ((Lincoln) ayaa si rasmi ah xaafiiska ula wareegi doona maalinimada Berrito ah oo ah Tallaado.

“Hambalyo Lincoln, duqa Magaalada Fair Haven. Waa shaqo culus, ciyaar ma ahan,” sidaas waxaa yiri Sanaytorka laga soo doorto gobolka Vermont Peter Welch.

Magaaladan Fair Haven waxaa ku nool dad gaaraya labo kun iyo shan boqol oo qof mana lahan duq Magaalo oo bini’aadam ah waana markii ugu horeysay oo taariikhda Magaaladaan ay yeelato duq Magaaalo oo ah in lagu sharfo xoolo gaar ahaan Neef Ari ah.

Hadalsame Media