Wefdi ka socda QM iyo Midowga Afrika oo Muqdisho u jooga arrin muhim u ah amaanka Somalia

0

(Muqdisho) 10 Maarso 2019 – Guddi isku dhaf ah oo ka kala socda QM iyo Midowga Afrika ayaa Somalia u yimid inay qiimeeyaan horumarka laga sameeyay dhanka kala guurka amaanka, kaasoo uu ujeedkiisu yahay in AMISOM lagu bedelo ciidamada Xoogga dalka Somalia ee SNA.

Wefdigan oo Muqdisho ku sugan, ayaa qiimayn doona tillaabooyinka ilaa iminka la qaaday, si sharciyadda amaanka ee lagu ansixiyay qaraarkii QM ee 2431 (2018) iyo war murtiyeedkii Golaha Amaanka ee Midowga Afrika ee 782 (2018) loo hirgeliyo, kaasoo dhigayey kala wareeg dhanka amaanka ah.

“Waxaa jira laba qaraar oo ka kala yimid QM iyo MA. Guddiga isku dhafka ihi wuxuu eegi doonaa sharciyaddaas iyo qorshaha kala guurka ah ee Somalia,” ayuu yiri sarreeye Guud Francis Okello, oo ah madaxa qorshayaasha iyo howlgallada ee nabad ilaalinnada Midowga Afrika.

Qaraarka QM ee 2431 (2018), ayaa dhigayey in laga dhimo ciidamada AMISOM ilaa 1,000 dhamaadkii Febraayo ee sanadkan.

Qaraarkan ayaa AMISOM sidoo kale ku waajibinayey inay lahaadaan ugu yaraan 1040 askari oo boliis ah. Qorshaha ugu dambeeya waa  in amaanka lagu wareejiyaa Somalia.

 

Hadalsame Media