Sawirka soortooyinkii dayuuraddii dhacday ee EA oo lasoo bandhigay

0

(Addis Ababa) 10 Maarso 2019 – Dadka ugu badan ee shilkaan ku geeriyooday ayaa ka soo jeeda dalka Kenya waxayna gaaranayaan 32 qof, waxaana tirada dhimashada ku soo xigta Kanada oo dadka kaga dhintay gaarayaan 18 ruux.

Dayuuradda dhacday ee Ethiopian Airlines ayaa waxaa dadka ku dhintay dabcan ka mid ah gabdhihii soortooyinka ahaa ee u adeegayey rakaabkii diyaaradda, waxaana lasoo bandhigay sawirrada gabdhahaasi.

Dayuuraddan oo ay gebi ahaanba wada leedahay dowladda Itoobiya ayaa siddey 149 rakaab ah iyo 8 shaqaale ah, markii ay dhacaysey.

Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Cabbeey Axmed ayaa u tacsiyeeyay qoysaska dadkii ku dhintay shilkaan diyaarada, halka DF ee Somalia ay iyana tacsi gaarsiiyey dowladda iyo dadka Itoobiya guud ahaan.

Hadalsame Media