Imaaraadka iyo Sucuudiga oo Hindiya uga hiilliyey Pakistan! (Tillaabo la yaab leh oo ay qaadeen)

0

(Abu Dhabi) 10 Maarso 2019 – Imaaraadka Carabta ayaa ku adkaystay in Shirka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee lagu qabtay Abu Dhabi lagu marti qaado wefdi metelaya Hindiya, iyagoo si cad uga hiillinaya Pakistan oo ay Hindiya is hayaan.

Waloow ay muddo dheer Hindiya dalbanaysey inay shirkan ku yeelato qiyam goob jooge, misna dad yar ayaa filayey in dalkan oo ay dadkiisu u badan yihiin kuwo haysta diinta Hinduuga shirka lasoo fariisinayo isagoo ah ”marti sharafeed”, gaar ahaan xilli uu xun yahay xaalka Kashmiir oo ay deggan yihiin dad Muslimiin ah balse ay qayb ka haysato Hindiya.

Waxaase dhacday in New Delhi ay shirkaa ka heshay faa’iido kaba badan intii ay filaysey, waxayna iyagoo garab ka heleeysa Sucuudiga iyo Imaaraatka ay xitaa isku dayday inay saamayn ku yeelato go’aankii shirka.

Sida ay sheegayaan ilo diblomaasiyadeed oo Hindi ah, labadan dal ee Khaliijka ihi waxay hor istaageen in shirka laga soo saaro war murtiyeed markii hore lagu cambaarayn rabey dhaqanka iyo siyaasadda Hindiya ee ku wajahan Kashmiir.

Sida uu qoray The Economic Times, ururka OIC ayaa markii hore doonayey inuu dhaliilo Hindiya, balse war saxaafadeedkii ugu dambeeyay waa laga waayay wax cambaarayn ah oo ka dhan ah Hindiya, waxaana arrintaa Hindiya ka caawiyay Imaaraadka iyo Sucuudiga oo geed kasta u fuulay in aanay Hindiya shirka kala kulmin wax yax yax ah.

Imaaraadka ayay isaga u dheerayd inuu aad ugu ololeeyay inay Hindiya shirka goob joog ka noqoto, taasoo ay aad u diidanayd Islamabad.

Hadalsame Media