DEG DEG: Bas ku qarxey bartamaha Stockholm

0

(Stockholm) 10 Maarso 2019 – Bas ayaa ku qarxey bartamaha magaalada Stockholm, iyadoo uu ku dhaawacmay darawalkii oo ay meesha dhoolli ka qaadday, sida uu haatan qorayo warfaafiska Aftonbladet oo weriye goobta u diray.

Qor goobjoog ah ayaa sheegay inay baska u shidnayd “ej i trafik” oo ka dhigan inuusan xilligaa dad shidin ama shaqo ku jirin, rasmiyan.

”Baska buluugga ihi wuxuu si toos ah u abbaaray dhagxaan lagu gooyey jid xiran kaddibna wuu qarxey.” ayuu yiri qof goob ah.

Aragtida qaar ayaa ah inuu basku ku dhacay dhagxaan iyo waxyaabo kale oo loogu tala galay in xawaaraha lagu xakameeyo maadaama ay meeshu u dhowdahay dusmada Klaratunneln.

Yeelkeede, haweenay u hadashay hay’adda maamusha gaadiidka dadwaynaha ee magaalda Stockholm ee SL oo lagu magacaabo Åsa Sköld, oo ah maareeyaha howlaha degdegga ah ayaa sheegtay inuu qarxey taangiga shidaalka ee ku taalla saqafka baska.

Dabka ayaa lagu damiyay 40 daqiiqo gudohood.

Hadalsame Media