ARSENAL VS MAN UNITED: Shaxda & safafka ay galabta kusoo geli karaan!

0

(London) 10 Maarso 2019 – Waxaa galabta kulanka ugu adag Horyaalka Ingiriiska ku ballansan labada naadi ee waawayn ee Arsenal iyo Man United oo natiijooyin caksi ah ka kala keenay qaaradda Yurub, iyadoo ay kaalimaha sare ee CL aad usii adkaysay soo laba kaclaynta United. Waxaad toos uga daawan doontaa Hadalsame Media insha ALLE

Dhanka Arsenal: Arsenal oo hal dhibic uun ka hooseeysa United, ayaa muquuranaysa xaalad aan wanaagsanayn, iyadoo u eg wax qar ka laalaada kaddib 22 kulan oo aan laga badin kooxda Unai Emery, waxaa weli dhegeheeda kasii qaacaysa guuldarradii UEFA Europa League, oo ay 3-1 uga soo badisay kooxda Rennes, iyadoo la socota in magac ahaan iyo dhaqaale ahaan aysan sanad kale kasii maqnaan karin Koobka Horaallada Yurub.

Dhanka United: United iyadu cirkaas bay maraysaa, iyadoo soo kabasho dheer oo dhanka horyaalka ah gashay tan iyo markii loo dhiibey Solskjaer, waxayna kasoo kabatay kulan la is lahaa waa laga sitaa oo gurigeeda 2-0 looga badiyey iyadoo 3-1 ugu sarriftay kooxda PSG.

Manchester United ayaa markii ugu dambaysey ee ay Emirates booqatay 3-1 uga soo adkaatay Arsenal waxayna taageerayaasha United filayaan natiijo aan middaa ka dheereeyn si ay u yara fogeeyso masaafada u dhexeeysa iyaga iyo Gunners, yeelkeede, ma sahlana.

SAFAFKA LAGA YAABO EE LABADA KOOXOOD:

Arsenal (4-2-2-2): Leno; Maitland-Niles, Mustafi, Koscielny, Monreal; Guendouzi, Xhaka; Iwobi, Ozil; Lacazette, Aubameyang

Man United (4-4-2 Shax Dheeman/ 4-3-1-2): de Gea; Young, Smalling, Lindelof, Shaw; Fred, McTominay, Pereira, Pogba; Lukaku, Rashford

Hadalsame Media