MUSAFANI: – Askarigeena dhaqanka xun ee Dumarka dharbaaxaya waxaa looga baahan yahay Soomaaliya!

0

(Kampala) 09 Maarso 2019 – Madaxwaynaha Uganda ayaa ka shifay sir badan oo ku saabsan Ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo dalkiisa ay ka joogaan Soomaaliya ciidamada ugu badan kuwa AMISOM ayaa mar kale bahdilay Soomaaliya isagoona ka shifay sir badan oo u qarsoon isaga iyo maamulkiisa.

Musafani oo ka hadlayay Magaalada Kampala ee xarunta Uganda ayaa tusaale xun u soo qaatay Soomaaliya oo uu ku tilmaamay meel laga jecel yahay dhaqan xumadda iyo gardarada.

Isagoo tixraacayay askari Ugaandheys ah oo la sheegay in uu dharbaxaay haweeney ka tirsaneyd isla ciidamada Uganda, gudaha Magaalada Kampala maalmo kahor, ayaa waxaa uu Musafani sheegay in loo masaafurin doono Soomaaliya oo sida uu hadalka u dhigay ah halka laga jeceli yahay dhaqan xumada noocaa oo kale ah.

“Askari in uu dumar dharbaaxo ama ku qeyliyo qof reer Uganda ah waa wax aan la aqbali karin, waana gafweyn oo bulshadeena ceeb ku ah, askarta aan laheyn asluubta wanaagsan oo aan bulshadda la dhaqmikarin, waxaana u direynaa Soomaaliya oo ah meesha dhaqan xumada sidaan oo kale ah looga baahan yahay,’’ ayuu yiri madaxweyne Museveni.

Musafani ayaa horey ugu tilmaamay Soomaaliya meel aysan ka jirin nidaam dowladeed oo habeysan, waxaana hadalkaasi  ka careysiisay dad badan oo Soomaaliyeed, waxaana hadalkaa jawaab ka bixisay dowladda Soomaaliya oo ku tilmaamtay Museveni ‘’ Qof iska Hadlay”

Hadalsame Media