IS EED EED: Inter oo ay arrintu ku adkaatay & Icardi oo keenay shuruudo cusub oo uga daraya! (Arag shuruudihiisa)

0

(Milano) 09 Maarso 2019 – Mauro Icardi ayaa sida la sheegayo soo bandhigay tibxaha iyo shuruudaha ay ku heshiin karaan isaga iyo maamulka Inter, haddii rajo laga qabo inuu kubad dambe kooxdaa u laado.

Laacibka ayaa kabtannimadii laga xayuubiyey Febraayo 13, taasoo lagu xirey midigta qabtaha Samir Handanovic, yeelkeede, Icardi ayaa kaddib jilay inuu dhaawac jilibka ah ku maqan yahay, balse waxaa shir jaraa’id ku ceebeeyay Luciano Spalletti oo sheegay in dhakhaatiirtu ay dheesha u fasaxeen, balse uu isagu diiddan yahay.

“Maya, anigaa idiin sheegi doona marka aan diyaar u ahay inaan ciyaaro,” ayuu Spalletti sheegay inuu yiri Icardi, kaddibna waxaa dhacay dhowr kulan oo aan mira dhalin, kuwaasoo u dhexeeyay Beppe Marotta iyo qarreenka cusub ee Icardi.

Sida iminka ku dhigan La Gazzetta dello Sport, laacibka reer Argentine ayaa shuruudo cusub soo bandhigay, kuwaasoo ay tahay in la qaabilo kahor inta aanu cag soo dhigin xerada tababarka ama aanu u safan Inter.

Waxaa shuruudihiisa ka mid ah in ‘dib loo dhiso sumcaddiisa lagu ciyaaray’ oo ay naadiga iyo macallin Spalletti ay sharraxaad cad ka bixiyaan waxa keenay in laga qaado kabtannimada.

Maamulka Inter ayaa ku dheggan in Icardi raalli gelin looga baahan yahay maadaama uu si shaac ah uga hadlay arrimaha qandaraaskiisa, taasoo uu laacibku diiddan yahay.

Inter ayay xaalad adagi ka haysataa waaxda weerarka, tusaale ahaan, Lautaro Martinez waa 9-ka qura ee ay iminka haystaan wuuna ka ganaaxan yahay lugta 2-aad ee wareegga 16-ka Europa League ee ay la leeyihiin Eintracht Frankfurt.

Kaaga darane haddii Lautaro uu jaalle qaato kulanka berri ay San Siro kula dheelayaan Spal, wuxuu seegayaa kulanka Derby della Madonnina ee ay la ciyaarayaan AC Milan.

Hadalsame Media