GABILLEY: Askari rasaas nool ku furay wiil weriye ah (Daawo)

0

(Gabilley) 09 Maarso 2019 – Muuqaal la sheegay in laga qabtay garoonka kubadda cagta ee magaalada Gabilley ayaa muujinaya askari rasaas nool ku ridaya nin lagu sheegay weriye.

Waxaa la arkayaa weriyaha oo aad ugu dhowaanaya askariga oo ku ehbinaya inuu ka istaago, balse weriyaha ayaan taa ku yalmaynin.

Waxaa deeto dhacaysa inuu askarigu xabad raacsado qori AK-47 ah oo uu garraarsanaa, wuxuuna si digniin ugu lumaynayaa hal xabbo.

Weriyihii oo weli is maqiiqaya ayaa waxaa soo kala dhex gelaya dadkii goob joogga ahaa.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media