GABAR SOORI QAADDAY: Gabar Jabaati darteed isu DALDASHEY! (Sheeko yaab badan!)

0

(Kisumu) 09 Maarso 2019 – Gabar 20-jir ah oo ku noolayd ismaamulka Kisumu County ee galbeedka Kenya ayaa la sheegay inay is dishey, kaddib markii ay eedadeed ku doodeen woxoogaa jabaati ah (chapati).

Gabadha geeriyootey oo magaceedii lagu koobay Sharon ayaa la sheegay inay is daldashey, kaddib markii ay eedadeed ku eedaysay inay dhexda ka bixiso lacago loogu dhiibey inay kusoo iibiso jabaati iyo digir.

Eedada oo la yiraahdo Jane Auma kana shaqaysa meelaha haweenka lagu naashnaasho (saloonist) ayaa sheegtay inay lacagta gabadha Sharon ugu dhiibtey inay qoyska oo idil ugu soo adeegto balse ay kaligeed isku ogaatey.

Deeto markii ay Sharon waydiisey sababta ay reerka raashin ugu karin wayday, waxaa bilowdau muran faraha ka baxay, iyadoo ay eedadu isku difaacdey inaysan filaynin inay arrintu gaari karto inay gabadhu is daldasho oo nolosha isu qoonsato.

Gabadha is dishey ayaa la sheegay inay dardaaran ka tagtay, kaasoo uu adeerkeed iminka u dhiibey booliiska, iyadoo maydku haatan yaallo qaboojiyaha isbitaalka Jaramogi Oginga Referral Hospital Mortuary.

Hadalsame Media